Kalluumeysato Lagu La’yahay Badda Berbera Iyadoo Ciidamada Badu Raadco ugu Jiraan.

 Laba nin oo kamid ah dhallinyarada kalluumeysatada ah ayaa lagu laayahay badda magaalada Berbera.
Dhallinyaradan kalluumeysatada ah iyo laashkii ay watteen ayaa shalay duhurkii badda galey. Waxaana aan ilaa hadda laga war haynin halka ay ku sugan yihiin kalluumaysatadaasi iyo laashkooda – sida ay xaqiijiyeen kalluumaysatada magaalada Berbera.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in laashkii ay watteen meel badda ah kaga ciladdoobay. Kalluumeysatadan ayaan lagu waramayaa in aanay wax sahay ah oo sidaasi u sii buuran sidan.

Maamulka kalluumeysatada magaalada Berbera waxay sheegeen sidoo kale ay ku wargeliyeen badhasaabka gobolka Saaxil maqnaashaha dhallinyaradani.

Waa maalintii labaad ee la layahay kalluumeysatadani iyadoo dabeylo badana ay ka jiraan dhulka xeebaha ah.

Qaar kamid ah kalluumeysatada magaalada Berbera waxay sheegeen in dhibaato wayni haysato mid dhaqaale iyo qalab la’aanba. Waxay intaasi ku dareen in xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kallumeysigu aanay wax war ah ka haynin kalluumeysatada Somaliland.