Deg-Deg-Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Baaqay Nabad Shacabka Somaliland Kula Noolaadaan Maamulada Dariska Ee Muranku Ka Dhexeeyo.

Deg-Deg-Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Baaqay Nabad Shacabka Somaliland Kula Noolaadaan Maamulada Dariska Ee Muranku Ka Dhexeeyo.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay casho sharaf ku maamuusay xubnihii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay bandhigga caalamiga ah ee buuggaagta ‘Hargeisa International Book Fair’ oo weli ka socda magaalada Hargeysa.

Muusa Biixi oo ka qeybgalayaasha caalamiga ah ku qaabilay madaxtooyada waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galkooda bandhigga carwada buuggaagta Hargeysa. Muuse Biixi waxa uu ka soo qeyb galayaashan caalamiga ah u sheegay in Somaliland nabad tahay, kana madhan tahay faro-gelin shisheeye, isagoo intaasi ku daray in maanta Somaliland ay iyadu haykalkeedda dawladnimo dhisatay isagoo tilmaamay in meel hoose laga soo bilaabay.

Madaxwayne Biixi waxa uu sheegay in Somaliland ay nabad gelisay jaarkeedda iyo caalamkaba isagoo ka wada in aanay maanta jirin cid wax ka tabanaysa [Somaliland].

“…waxaanu nahay dal nabad ah, isagu is nabad geliyey, dhibaatooyinkiisa iyo khilaafaadkiisa guddaha xalista…”.

Muuse Biixi ugu danbeyntii waxa uu caalamka iyo jaarkaba ugu baaqay nabad, horumar iyo iskaashi caalamiya.

                                                           Halkan ka daawo muuqaalka