“MUUSE WAA MADAXWEYNAHA KELIYA EE CADDAALAD KA SAMAYN KARA SOMALILAND” Cali Waran Cade

Siyaasi Cali Maxadmed Warancadde oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee Xisbi xaakimka talada haya ee KULMIYE, isla markaana xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tilmaamay in uu yahay madaxweynaha keliya ee Somaliland caddaalad ka samayn kara isla markaana sinnaan iyo xaqsoor dalka ku maamuli kara.

Cali Maxamed Warancadde waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii ka dhacay Tukaraq ee lagu soo duulay Somaliland oo uu sheegay in uu dagaalkaas soo abaabulay oo uu ka dambeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Waxaanu meesha ka saaray in uu jiro dagaal u dhexeeya Somaliland iyo Puntland,s iyaasi Cali Warancadde oo socdaal dibedda ah dalka kaga maqan oo ku sugan dalka Usareeliya oo u warramay Hctv, ayaa mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in saami qaybsiga beelaha Somaliland ee xilalka qaranka cabasho badani ay ka jirto, ayaa yidhi. “sida lala wada socdo Somaliland dhulka ayaa laga soo bilaabay dariiq dheer ayaa la soo maray, mar nabadaynta iyo wada noolaanshaha, ayaa laga shaqaynayay oo nabadda, ayaa seeska loo dhigayay, mar nidaamka iyo dawladnimada ayaa la bilaabay oo la hirgelinayay, mar dalka ayaa dib loo dhisayay marna dimuquraadiyadda iyo asxaabta ayaa la dhisayay markaa marxaladahaa kala duwan oo qof waliba ka dheregsan yahay ayay soo martay maantana waxay joogtaa heer la mid ah heerarka dawladaha caalamka ka jira ee dimuquraadiga ah, waxaanan qabaa maanta Somaliland in ay gaadhay heerkii saami qaybsi caddaalad ah lagu dhaqi lahaa mar kaddii waxkasta oo kale oo innaga dhinnaa la soo qabtay,aniguna shaqsiyan waxaan aamminsanahay in Muuse yahay madaxweynaha keliya ee caddaalad ka samayn kara Somaliland saami qaybsigeeda,sababtoo ah Madaxweyne Muuse wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo badan,wuxuu soo maray jabhadnimo,wuxuu soo maray xilal wasiirnimo,haddana wuxuu soo noqday mucaarid dumiquraadi ah oo xisbi mucaarid ah ayuu hormuudkiisa soo ahaa,haddana wuxuu soo noqday muxaafid oo xisbi xaakim,ayuu guddoomiye u soo noqday imikana waa Madaxweynaha qaranka intaana dalka ayuu joogay oo wax kasta oo dalka ka socda xog-ogaal iyo goob joog ayuu u ahaa,markaa waa nin garan gara gobol kasta iyo deegaan kasta wixii weelkooda ka dhiman.”

Warancadde oo wax laga waydiiyay dagaalkii Tukaraq,ayaa ku jawaabay. “horta agaalka Tukaraq maaha mid u dhexeeya Somaliland iyoPuntland, Somaliland iyo Puntland muddo badan ayay jaar ahaayeen oo ay wada deggenaayeen oo ay halkaa wada joogeen dagaal noocan oo kale ahina marnaba muu dhex marin,laakiin dagaalka Tukaraq waa dagaal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,taana waxaa caddaynaya socdaalkii uu wasiiradiisa qaar ka mid ah usoo dirayay in ay ku tagaan deegaano ka tirsan Somaliland Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo taasoo ahayd in uu indha-sarcaad u dhigo caalamka oo uu yidhaahdo Somaliland aniga ka taliya,caalamkuna wuu ogyahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay laba kala yihiin,laakiin dagaalkani maaha mid shicibka Soomaaliya iyo ka Puntland midna ka yimilaakiin waa dagaal uu soo qaaday Farmaajo,Somalilandna way caddaysay in aanay dagaal wadin oo ay nabad diyaar u tahay laakiin ninka duullaanka ah ee soo duulay ee colaadda hurinaya waa Farmaajo waxaana uga wanaagsan wakhtiga iyo lacagta uu gelinayo dagaalka uu Somaliland ku soo qaaday in uu wax kaga qabto ammaan darada madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho waxaanan u soo jeedinayaa Farmaajo iyo madaxda ku xeeran in ay caqliga ka shaqaysiiyaan oo ay ka hadhaan wax aan dani ugu jirin Somaliland waa qaran soddon sano jir madaxa la gelaya oo nabad,dimuquraadiyad iyo hannaanka asxaabta badan isla markaana ay soo hoggaamiyeen shan Madaxweyne oorabitaanka dadweynaha ku yimi.”