“Somaliland Waxa Ay Indhaha Ku Haysa In Dekedda Berbera Ay Kaalin Muhiim Ah Ka Qaadato Ganacsiga Badda Cas” Wakaaladda Wararka Ee AFP

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa maanta daabacday warbixin ay kaga hadashay sida Jamhuuriyadda Somaliland ugu heellan tahay inay dekedda Berbera noqoto marinka ugu muhiimsan ee ganacsiga badda cas.

Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta AFP oo werisay in magaalo xeebeedda Berbera ay si tartiib-tartiib ah isu beddelayso oo ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso maraakiibka mara badda cas, iyadoo himiladaasi tahay mid Somaliland ku gaadhi doonto barwaaqo iyo horumar.

AFP waxay intaas ku dartay in Somaliland rejaynayso sidii ay u noqon lahayd mid ka mid ah marinnada ugu mashquulsan ee caalamka oo ay ka heli doonto shaqo abuur, isla markaana maalgashiga dekeddu badhi-taarayso aqoonsiga caalamiga ah ee ay JSL baadi-doonaysay 27kii Sannadood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay casriyeynta dekedda Berbera dawladda Somaliland uga gol-leedahay si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo dakhliga dalka.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu tilmaamay in heshiiska ay la galeen shirkadda DP World yiddidiilo u tahay kasbashada maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland doonayso.

Wakaallada AFP waxay sheegtay in himilada Somaliland kor u kacday bishii March ee sannadkan, ka dib markii dawladda Itoobiya maalgashiga dekedda Berbera laga siiyey boqolkiiba 19%.

Shirkadda DP World ayaa gelinaysa Somaliland lacag lagu qadaray 442 milyan oo doolar oo ay ku ballaadhinayso dekedda Berbera, waxaanay wejiga hore bilaabaysaa Bisha October ee sannadkan, waxaana lagu kordhinayaa dekedda 400 oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu soconayaa dhismahaasi 24 Bilood. Wakaallada AFP waxay intaas ku dartay in Dawladda Somaliland ay Imaaraadka carabta magaalada Berbera ka siisay saldhig millatari oo ay ku heshiiyeen muddo 25 sannadood ah.