Wargeyska Clarin Oo Kashifay In Lionel Messi Uu Ku Amray Jorge Sampaoli Inuu Xulka Ka Saaro Laba Xiddig Oo Bandhig Liita Ka Sameeyay Koobka Adduunka.

Weeraryahanka Argentina Lionel Messi ayaa u sheegay tababarahiisa Jorge Sampaoli inuu xulka ka saaro laba xidig oo aan bandhig fiican muujin koobkii Adduunka sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Argentina.

Kabtanka Argentina wuxuu aqbali waayay sida ay qaar ka mid ah xidigaha u ciyaareen, taasna waxey dhalisay inuu bilaabo olole uu kaga saarayo qaranka, waana mid ka mid ah calaamadaha muujinaya inuu Lionel Messi faraha kula jiro hawlaha doorashada qaranka.

Xulka reer Koonfurta America ayaa barbaro ku bilaabay koobka Adduunka ee dhamaadka soo gaaray markii ay la ciyaareen Iceland, sidoo kalana guuldaro ayey ka heleen qaranka Croatia ka hor inta aysan guul dhib badan ka helin Nigeira.

Safarkoodii koobka Adduunka waxaa soo afjaray France oo 4-3 kaga takhalustay kulan Kylian Mbappe uu dhaliyay laba gool halka Griezmann yio Pavard ay sidoo kale shabaqa gaareen.

Natiijadaas ma sababin in Messi ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah, wuxuuna noqon doonaa 35-jir marka la gaaro koobka Adduunka 2022.

Wargeyska Clarin ee dalka Argentina ayaa qiray in Lionel Messi uu si toos ah ula hadlay Sampaoli isagoo u sheegay in Federico Fazio iyo Giovani Lo Celso aysan kasii mid ahaanin qaranka isagoo ku eedeynaya iney ku fashilmeen waajibaadka qaranka.