‘Wasiir Toban Daqiiqo Igu Qanciyay Waxa Jira Saaxiibkay Axmed Muumin Seed, Mana filayo In Wasiir La Tartami karaa Dhinaca Horumarinta Uu Jiro”Cali Guray.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Siyaasiyiinta Somaliland Iyo Xubnaha Sar Sare ee Xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka hadlay kulan kadis ah oo dhexmaray Wasiirka Beeraha somaliland iyo waxa uu kusoo arkay xafiiska wasaarada Beeraha,

Sidoo kale Siyaasi Cali Guray ayaa wasiirka beeraha ku tilmaamay Masuul kasoo baxay Shaqadii uu qaranka Uyahay isla markaana ay durba soo Go,een Wax Soo Saarkii ay wasaarada Beeruhu ka samaysay Dalka.

Dhanka kale  Cali Guray Ayaa Wasiir muumin Ku Tilmaamay Wasiirka ugu Wax qabadka Badan Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Biixi.

CALI GURAY IYO AXMED MUUMIN

Cali guray Ayaa Qoraal Kooban uu kaga hadlay  waxqabadka  Wasiirka Beeraha Iyo Waxyaabaha Uu Hirgaliyay Wuxu ku Baahiyay Barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka Bulshada Ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

 BAL KANBA AAN DIIDO;

“Wasiirka Beeraha ololahii ka Hor ayaa isugu kaayo Dambeeysay. Shalay Anigoo Hormaraya Wasaaradda Beeraha Ayuun Baan Salaan ugu leexday. Waa ogaa in wax soo saarka dhinaca beeraha uu kor u qaaday laakiin ilaa xadkaa maan filayn. Lamaan yaabin Mashruucii Wajaale iyo galbeed ee bari gaar ahaan Gobolka Togdheer ayaa garowga intaa le’egi ka soo gu’i weligeey ismaan lahayn. Hadda ogow waa sanadkii ugu Horeeyay hadhuudhka la beerayna maaha Cilmi Jaamicii dhegaha adkaa Beerato sedex bilood bay ku goosteen waana Cagafyadii uu Siiyay. Xaaxi, Gatiitalay, iyo Oodwayne ka ka soo socda Daa. Marka la isku daro yaan hadhowba la xaasidine inta uu kor u qaado wax soo saarka ha lagu qiimeeyo. Yaan loo Eexan oon laga Eexin marka Warbixinta rasmiga ahi soo baxdo hana yaabina sidayda. Wasiir toban daqiiqo igu qanciyay waxa jira saaxiibkay Axmed Muumin Seed mana filayo inu wasiir la tartami karaa dhinaca horumarinta uu jiro. Waxan kula kaftamay waar dee reer barigii qodaal baabad ka dhigi oo waabay degi rabshadoodiina way dhamaan ilayn kol hadii qodaal la noqdo waa la isku qasban yahay oo meel loo kala guurayaa ma jirto ee qoodiga ayaa sinmaya eh.

Markaa wasiirkii ugu horeeyay ee Cali gurey qiray waxaad qortaa Axmed Muumin Seed Ilaahay ha la jiro eh waa wasiir shaqadiisii si hagar la’aan ah uga soo dhalaalay.

 

Qalinkii Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)