Booliiska Dawladda Ethiopia Oo Xabsiga Dhigay 170 Qof Oo U Dhashay Qoomiyadda Oromia + Sababta Loo Xidhay

Adis Ababa(GNN)Ciidamada Booliska ee Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen in ka badan 170 qof oo u dhashay Dawlad Deegaanka Qoomiyadda Oromada, kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay ka danbeeyeen rabshado ka dhacay halkaasi.

Rabshadahan oo dad badani ay ku dhinteen ayaa sida ay baahisay Idaacada Fana, waxa dadkan lagu soo eedeeyey danbiyo kala duwan, kuwaas oo uu badan in ay iyagu iska leeyihiin masuuliyadda rabshadaha isirka ku salaysan.

Deegaanka Qoomiyadda oromada ayaa muddo saddex sano ah waxa ay ahayd mid aanay xaaladeedu deganayn, ka dib markii ay ka hor yimaadeen maamulkii hore.

Rabshadaha ka jiray deegaanka

Oromada ayaa waxa loo badinayaa in uu ka danbeeyay iscasilaadii Ra’isal Wasaarihii hore iyo doorashada Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed Cali, kaas oo ka soo jeeda Qoomiyadda Ugu Tirada Badan ee Oromada.

Hadal uu dhawaan Jeediyay Ra’isal Wasaare Abiy ayaa waxa uu ku sheegay in xukuumaddiisa uu ka dhamaaday dulqaadkii isla markaana aanay sii eegan doonin Rabshadaha aan macnaha badan ku salaysnayn ee ka jira deegaanadda qaarkood.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadamaha u dooda ayaa iyana waxa ay ka hadashay saamaynta ay shacabka ku yeesheen qulqulatooyinku, waxaanay ugu baaqday in Ra’isal Wasaaraha in wax laga qabto rabshadahaasi.

Dhinaca kale rabshadihii u dhaxeeyay soomaalida iyo Oromada ee soo bilawday sanadkii 2017-kii ayaa waxa la soo sheegayaa in ay ku baro kaceen dad tiradoodu ay gaadhayso 1.1 million oo qof.

GABILEY.NET

 

Exit mobile version