Ebola oo dib uga dillaacay koongo

Fayraska Ebola ayaa mar kale dib uga dillaacay Bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo, waxaana la rumaysan yahay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya soddon qof.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegaysa in kiisas cusub oo cudurkaas ah laga shakisan yahay in ay kajiraan waqooyiga gobollada Kivu iyo Ituri ee u dhow xuduudda dalka Uganda.

Waa deegaan uu ka jiro ganacsi fara badan iyo kaamam qaxooti oo isku raran ah, hay’adda caafimaadka adduunkuna waxay sheegaysaa in ay adag tahay in la xakameeyo haddii cudurkaasi uu halkaasi ka dillaaco.

Todobaadkii hore ayay dawladdu ku dhawaaqday in xanuunkaas oo ka dillaacay waqooyi galbeed dalkaasi uu dhammaaday.

Saddex iyo soddon qof ayaa dhintay – tiradaas oo nisbo ahaan aad u yar taas oo loo aanaynayo adeegsigii guulaystay ee tallaal tijaabo ahaa.