War-Deg-Deg-18 Qof Oo Ku Dhintay Diyaarad Ciidamada Ethiopia Leeyihiin+Cabdi Iley Oo Codsaday In Dib Loogu Celiyo Xabsi Gurigii Uu Hore Ugu Jiray.

Addis-Ababa(GNN):-18 qof ayaa dhintay, ka dib markii helikobtar uu milateriga Itoobiya leeyahay ay ku burburtay duleedka caasimadda Itoobiya e Addis Ababa.

Maamuleyaasha ayaa sheegay in cidina aysan ka badbaadin shilkaas.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Emmanuel Igunza, saraakiisha ayaa sheegay in dayaaradaas milateriga ay ka soo duushay magaalada Diri-dhabe ee bariga Itoobiya oo ay kusii jeedday magaalada Addis Ababa markii ay ku dhacday Bariga Shoa ee gobolka Oromia.

Dhamaanba rakaabkii saarnaa ayaa dhintay.

Warar deegaanka laga helayo waxay sheegayaan in 15 askari iyo seddex qof oo rayid ah ay saarnaayeen.

Sababta shilka dhalisay weli lama ogaan, laakin saraakiil sare ayaa sheegaya in baareyaasha iyo kooxaha baadigoobka iyo samata bixinta loo diray halkaas.

Dhanka Kale Qareenka Madaxweynihii Hore Deegaanka Somalid Ethiopia Cabdi maxamuud cumar Ayaa Wararku Sheegeen Inay Codsadeen in Dib Loogu Celiyo Xabsi gurigii Inta Dacwada Lagu Soo Oogayo.

Halkan Ka Dhegayo Wararkan iyo Kuwo kale Oo Deegaanka Ku Saabsan.