Akhri:- Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Muuse Biixi Oo Noqday Wasiirka Kaliya Ee Tabaciisii Muuqdo.

Hargeisa(GNN):-Bisha 10/11/2018 ayaa la filayaa haddii eebe qadaro in uu soo go,o raashin farabadan oo waddani ahi kaas oo wasaaradd Beeraha Somaliland ay beertay.

Raashinka ayaa waxaa laga beeray deegaanada kala duwan ee Banka Wajaale, Deegaanka Beer iyo Xaaxi, inkasta oo ay jiraan goobo kale haddana kuwan ayaa ah halka ugu mihiimsan ee la rajaynayo in sanadkan ay ka soo go,aan raashin farabadani wallow ay jiraan Beero si madax banana loogu qoday bulshada qaybaheeda kala duwan si wax soo saarka loo xoojiyo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu dadaal dheer u galay siddii sanadka ugu horeeya loo heli lahaa raashin deeqa dalka oo dhan si looga maarmo Cuntada qaybaheeda kala duwan iyo raashinka qaaliga ah ee dibadda inooga yimaada waxaana ay noqonaysaa kalkii ugu horeeyay ee raashin la beeray oo xoogani soo go,o.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Axmed Muunin Seed ayaa waxaa uu dhawaan kormeer ku soosameeyay inta u hadhay jarista Dalagaasi waxaana la filayaa in bisha dambe la guddo galo goyntiisa.

Bulshada Somaliland ayaa aad u bogaadisay dadaalka wasiir Axmed Muunin Seed oo noqday wasiir tabaciisu muuqdo

Ma aha oo kaliya sanadka dhamaadkiisa dalaga soo go,ayaa raashinka waddaniga ah oo kaliya ee waxaa jira khudaar kala duwan oo wasaaraddu beertay