Canada oo muwaadinimo sharafeedka kala laabatay hoggaamiyaha Myanmar

Jimco, September, 28, 2018 (GNN) – Canada ayaa jinsiyada kala noqotay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi, kaddib markii Xildhibaannada labada aqal ee dalkaas ay isku raaceen in ay muwaadinimo sharafeedka kala laabtaan haweeneyda.
Sannadkii 2007 ayay Canada jinsiyad maamuuseed siisay Suu Kyi, waxayna ka mid tahay lix ruux oo  lagu maamuusay,waxa ugu weyn ee haweeneyda ay ku weyday muwaadinimo sharafeedka  waxaa lugu sheegay markii ay ku  guul darraysatay joojinta dhibaatadii loo gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkeeda.
Haweeneyda oo ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 1991-dii oo ay  ku mutaysatay dadaalkii ay ku bixisay in ay dimuqraadiyad ka dhaliso dalka Myanmar , ayaa dunidda kala kulantay cambaareyn xooggan oo hoos u dhigtey sumcaddii ay caalamka ku lahayd kaddib markii milateriga dalkaas lugu eedeyay inay xasuuqeen Muslimiinta Rohingya ee laga tiro badanyahay ee Myanmar ,howlgallada milateri ee ka dhanka ah Rohingya ayaa sababay 12-kii bilood  ee u dambeysay dalka inay ka barakacaan 700,000 oo ruux oo Rohingya ah.
Go’anka ay xukuumadda Canada kala laabatay muwaadinimo sharafeedka  ayaa ku soo aaday xilli bishii hore warbixin ay soo saartay Qarmada Midoobay lugu sheegtay in ay waajib tahay in baaritaan lagu sameeyo hoggaamiyeyaasha milatariga dalka Myanmar iyadoo la eegayo xasuuq ay u gaysteen Rohingyas.