Daawo Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland Oo Magaalada Wajaale Kuso Kormeeray Sidey Usocoto Diwaangalinta Hantida Dawlada

Wajaale(GNN)Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Ayaa Socdaal Kusoo Gaadhey Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley,Socdaalka Wasiirka Ayaa La Xidhiidha Dardar Galinta Hawlaha Diwaan Galinta Hantida Qaranka,Wasiirka Waxa Kala Qaybqaatey Wacyigalinta Diwaan Galinta Hantida Dawlada Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi Iyo Masuuliyiinta Dawlada, Ugu Horeyn Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Ayaa Waxa Uu Tacsi Udirey Iskuduwihii Wasarada Hawlaha Guud Ujoogey Gobolka Saraar Oo Dhawaan  Gacan Ka Xaqdaran Ku Dishey Deegaanka Qorilugud, Ee Gobolka Saraar,Wasiirka Ayaa Sido Kale Ka Hadlay In Socdaalkiisu Uu Daaran Yahay Qaabkii Loo Diwaan Galin Lahaa Hantida Dawlada Ee Danta Guud,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi Ayaa Geestiisa Tacsi Udirey Iskuduwihii  Lagu Diley Gobolka Saraar,Isago Bulshada Ku Dhaqan Bariga Kula Dardaarmay In Ay Nabad Kuwada Noolaadaan, Geesta Kalena Tilmaamay Muhimada Ay Leedahay In La  Diwaangaliyo Hantida Dawlada,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET

WAJAALE OFFICE