Deg Deg Daawo Baarlamaanka Soomalida Itoopiya Oo Maanta Ansixiyay Qodobo Xasaasiya

Jigjiga(GNN) Baarlamaanka Dawlad deegaankaSoomaalida ayaa maanta ansixiyey go’aanno masiiri ah oo la hadal hayey tan iyo markii la magacaabay madaxweynaha cusub, Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar).Baarlamaanka oo saaka yeeshay fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxay ku doorteen afhayeenka baarlamaanka oo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas).Cabdullaahi Siciid Cumar ayaa isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud Xubnaha baarlamaanka waxay isku raaceen in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida, lagana saaro Itoobiya..Waxay kaloo isku raaceen calanka dawlad-deegaanka oo noqonaya mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah.

HALKAN HOOS EKA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET