WARARKA




Musuq Maasuqa Ragaadiyay Maayerka Gabiley Iyo Mooganaanta Xukumada “.W/Qalinkii-Muuse Cali Axmd

Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Tani Iyo Markii Uu Majarahaย  Uqabtay Maayerka Degmada Gabiley Amiin Cumer Cabdi Waxa Soo Baxey Hanti Lumis Iyo Musuq Maasuq Ragaadiyay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley,Waxa Soo Shaacbaxey Dambiyo Ka Dhan Ah Dhaqaalaha Usoo Xarooda Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Ay Si Qayrul Xad Ah Uu Maayerka Gabiley Ugu Takri Falo Isagoo Kaga Faa,idaysanayaa Danaha Iyo Amuurihiisa Gaara Ah,Waxa Soo Baxey Hantiyo Uu Sameystay Oo Ka Kooban Guryo Cagafyo Booyado Iyo Waliba Dhul Isago Hantidaa Ku Qoray Magacyo Been ABuur Ah Si Bulshadu Anay Dareen Uga Qaadan,

Maayerka Degmadaย  Gabiley Tan Iyo Markii Uu Iskuso Sharaxay Doorasahda Golaha Deegaanka Bulshadu Waxey Usoo DHaweysay Si Farxad Ku Dheehan Tahayย  Iyagoo Siiyayย  Taageero Laxaadlehย  Isago Dadka Ku Qaldayay Hadalo Af Gobaadsiiya Oo Uu Uga Danleeyahay Bal In Uu Naxariis Ka Helo Bulshada Hasa Ahaatee Markii Ay Bulshadu Cod Ku Soo Saartay Wuxu Noqday Mid Ka Leexday Shuruudihii Iyo Beentii Uu Bulshada Ku Marinย  Habaabiyay,Wuxuna La Soo Baxey Waji Gabax Iyo Waji Ka Gedisan Midkii Maalmihii Doorashada,

Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Wuxu Dhawaan Safar Ku Tagay Dalka Sweden Fiisaha Uu Ku Tagay Dadkii Usoo Dhameeyay Ee Sababta U Ahaa Dhoofkiisaย  Wuxu Siiyay Baloodho Dhul Ah Oo Danta Guud Ah Oo Ku Yaala Magaalada Gabiley,

Ma Jiraan Wax Hormara Oo Uu Ka Fuliyay Magaalada Gabiley Mudada Uu Xilka Hayay Waxana Soo Baxaya Warbixino Sir Ah Oo Fashilayay Maalka Iyo Duunyada Uu Maayerka Gabiley Ka Uruursadey Dawlada Hoose Isagoo Dadkii Masaakiinta Ahaa Joojiyay Waxqabadkii Waajibka Loogu Lahaa,Maayerka Gabiley Wuxu Maanta Ka Mid Yahay Maalqabeenada Gobolka Gabiley,

Dhawaan Ayay Aheyd Markii Qaar Badan Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Ayย  Soo Bandhigeen Waraaqoย  Cadeynaya Hantida La Leexsadey Iyo In La Marin Habaabiyay Miisaaniyada Golaha Deegaanka Laguna Takri Falay Awoodii Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley,

Nasiib Xumada Soo Wajahday Bulshada Magaalada Gabiley Ayaa Loo Nusbaynayaa In Ayna La Xisaabtan La Yeelan Cida Majaraha Uhaysa Iyago Makhraat Uunย  Ka Ah Lunsiga Iyo Musuqmaasuqa Ka Jira Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley,

Suโ€™aalahan iyo Kuwo kale oo Aad u Tiro badan Waxaan idinkula Wadaagi Doonaa Haddii eebe Qadaro Qormada Tan Xigtaโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆLa Soco.

 

“.W/Qalinkii-Muuse Cali Axmd

Muuse20@Gmail.comย