Dagaal Ka Dul Socda Markab Ku Soo Caariyay Mid Kamid Ah Xeebaha Somaliya

Boosaaso(GNN)Wararka naga soo gaadhaya degaanka Galhagoog oo 270-KM dhanka Bari kaga began magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal qaraaran fiidnimadii xalay

Image result for Budhcad Badeed

 

Dagaalka oo leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay isku qabsadeen Markab ku soo caariyay xeebta Galhagoog oo u dhaw Budbud.

Maleeshiyaadkan oo aad u badnaa ayaa isku qabtay cida la wareegeysa Markabka oo ahaa mid xamuul siday, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka ka dhashay uu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca dhowr maleeshiyo oo kala taabacsanaa labada dhan.

Markabka ayaa waxaa iminka gacanta ku haya qeyb ka mid ah maleeshiyaadka dagaalamay, waxa uuna dagaalka ka duldhacay Markabka iyo banaanka hore ee Xeebta.

Rasaas goosgoos ah ayaa waxaa laga dul maqlayaa Markabka, waxaana ilaa iyo hadda halkaasi aan gaarin ciidamada amaanka maamulka Galmudug maadaama ay xili mugdiya tahay goobta uu ku caariyay Markabka.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase lasoo sheegayaa in la maqlaayo rasaas ay wali is weydaarsanayaan labada dhinac oo is horfadhiya.

GABILEY.NET