Guddoomiye Jaamac Shabeel Mala Marin doonnaa Dariiqii Xilka Lagaga Xayuubbiyay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir? Faallo

Hargaysa(GNN):-Sannadkii labaad ee Mudadii Xil haynta Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa waxaa dhawr jeer qalabka warbaahinta soo fadhiistay Gudoomiye ku xigeenkii 2aad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo mudo dheer rafiiq siyaasadeed iyo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii Xiligaas Mudane Siilaanyo, isla markaana dartii dhaawac halis ahi dhabarka uga soo gaadhay xili la soo dhawaynayay Mudane Axmed Siilaanyo oo markaas ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye.

Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa isagoo ah Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Wuxuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo Warbaahinta u mariyey talooyin uu u arkayay inay xal u noqonayaan

Mushkilado xiligaas taagnaa. Sidoo kale, hadalkiisa kama ay madhnayn in Shakhsiyan aanu ku qanacsanayn qaab-dhismeedka Xukuumaddii uu hogaaminayay Siilaanyo, hase-yeeshee waxa hadalkiisa dhibsaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, waxayna taasi keentay in Shir ay isugu yimaadeen 15-kii Bishii April ee sannadkii 2012-kii lagu anshax mariyo Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Xisbigaas isla markaana laga xayuubiyey Xilkii,Xasaanadii iyo ka mid ahaanshihii Xubnaha Xisbiga Kulmiye, iyadoon haba yaraatee aan la siin wakhti uu iskaga difaaco eeddaha loo soo jeeddiyay. 
Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha haatan talada Somaliland gacanta ku haya Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal dacwad ah oo ka dhan ah Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Xisbigiisa, taasoo nuxurkeeddu ahaa inuu aflagaaddeeyay Madaxweynaha Somaliland, meelna kaga dhacay Xeerka Xisbiga,  sidaas daraadeedna loo qaado codka Xil-ka-qaadista iyo Xubbinimmadda. Dulucda qoraalka Dacwadda ah waxa fadhigii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee ka qabsoomay huteel Maansoor ka hor akhriyey Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel).
Qoraalkaasi waxa uu qornaa sidan; “Mudaneyaal, markaan la tashaday Gudidda fulinta xisbiga KULMIYE waxaan sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa anshax-marin ka dhan ah Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Guddoomiye-ku-xigeenka labaad wuxuu dhawr jeer shirar jaraa’id oo uu si toos ah uga hor yimid Dastuurka iyo Barnaamijka xisbiga.
Cabdiraxmaan wuxuu si aan gabasho lahayn u caddeeyay inuu ka soo horjeedo barnaamijka Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku shaqeynaayay, kaasi oo ah barnaamijkii iyo dastuurkii lagu ansixiyay shirweynihii labaad ee 2008-dii. Mudaneyaal, Gudidda fulinta ee xisbigu dhawr jeer ayay waano iyo digniino u jeedisay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, hase-yeeshee Mudanuhu wuu ku sii adkaystay sharci jabintii.
Waxaan u soo jeedinayaa Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inuu Goluhu ku anshax mariyo qodobka 56-aad ee dastuurka qaranka ee anshax-marinta loo cuskado, Maaddaama oo uu si toos ah uga hor yimid Dastuurkii iyo Barnaamijkii xisbiga.” Kadib qoraalkaasi waxa madashu isku rogtay buuq iyo qaylo, kadib markii masuulka xilka laga qaaday dalbaday in hadal la siiyo oo uu doodiisa dhiibto, hase ahaatee waxa ka diiday Guddoomiyaha shirguddoonka Jaamac Shabeel, waxaanna markiiba loo dalbaday Ciiddan boolis ah oo gudaha hoolka lagu sii diyaariyey, kuwaasoo xoog kaga saaray shirka.
Intaa kadib waxa ergooyinka shirka loo bandhigay inay go’aan ka gaadhaan qoraalkaasi anshax-marinta ah, waxaanna codkii loo qaaday oggolaaday 155 Xubnood  in Xilka iyo Xubinimadaba laga qaado Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxa diiday 24 Xubnood, waxaanna ka aamusay 16 Xubnood, Guddoomiyuhuna muu codayn. Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoon helin inuu iska difaaco eedaha loo soo Jeediyey, isla markaana aaminsan in aanu gelin wax denbi ah ayuu sidaas ku waayay Xilkiisii.
6 sano kadib dhacdadaas Gudoomiyihii Xiligaas ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, isla markaana ilaa hada xilkaas haya Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel), ayaa si adag u dhaliilay Xeerka Kufsiga iyo Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga oo uu dhaqan-galkiisa qallinka ku duugay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Isagoo sheegay in aanay garanayn halka uu xeerkani ka dhaafay Madaxweynihii ay doorteen.
Guddoomiye Jaamac Shabeel waxa uu dhawr jeer ka soo dhex muuqday Shir ay ku kulmeen mas’uuliyiin ka Tirsan Sadexda xisbi qaran Isagoo si adag uga hor yimid Xeerkaas uu Madaxweyne Muuse Biixi Saxeexay dhaqan-gelkiisa. Sidoo kale, bishii aynnu soo dhaafnay ee August ayaa Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Jaamac Shabeel waxa uu si ba’an u dhaliilay Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku tilmaamay dad aannu wax aqoonna u lahayn, isla markaanna aannu garanayn meesha uu ka keennay Madaxweynuhu, balse waxa uu iftiimiyay inay Madaxweynaha kula Xisaabtami doonnaan Barnaamijkii ay ku olalleeyeen, kunna daba-geli doonnaan fullintiisa.
Dhanka Kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE  Xasan Siciid Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jaamac-shabeel oo dhawaan dhaliilay Xeerka Kufsiga oo Madaxweynuhu saxeexay aanu ku hadli Karin Afka Xisbiga, balse uu afkaartiisa siyaasaddeed uu xor u yahay, hase-yeeshee Jaamac Shabeel oo wax yar uun ka dib ka hadlay hadallada ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu sheegay inuu waligiiba ku hadli jirey afka Xisbiga KULMIYE, hadda wixii ka danbeeyanna uu ku hadli doonno, isla markaanna uu ka mid yahay hoggaanka Xisbiga KULMIYE.  Waxa kale, oo Jaamac Shabeel tibaaxay in isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi wixii ka dhexeeya ay geli karaan Xubnaha Beesha Madaxweyne Muuse ka dhashay  ee Xisbiga Kulmiye ka Tirsan iyo Dadkii la soo dhintay sida uu Yidhi.
Haddaba, ilo warreedyo madax-bannaan oo si dhaw ula socday arrinta Jaamac Shabbeel oo Xukuumaddu u arkaysay weerar toos ah oo uu soo qaadday Guddoomiyaha golaha dhexe Jaamac Shabeel iyo talaabada ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbigeedda KULMIYE kaga fal-celin doonnaan, ayaa waxay tibaaxayaan in Maalinta Sabtidda foodda innagu soo haysa ay Xubnaha guddida fullintu ku samayn doonnaan Anshax-marin uu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday in Jaamac Shabeel lagu qaaddo.
Si kastaba ha ahaatee Su’aasha maanta isweydiinta lihi waxay tahay Guddoomiye Jaamac Shabeel ma ka badbaadi doonaa Dariiqii uu Mariyey Guddoomiye ku-Xigeenkiisii 2aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee ka baxsannaa Dimuquraadiyada, isla markaanna  Xilkii iyo Xasaanadii looga Xayuubiyey, isagoo ku eedaysnaa inuu ka Hor Yimid Distoorkii Xisbiga KULMIYE, Barnaamij Siyaasadeedkiisii iyo inuu wax ka sheegay Madaxweynihii Xiligaas Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE