Wariye Catoosh Oo Muddo Sannad Ah Ka Ruqseystay Idaacada BBC-da + [ Sababta ]

Nairobi (GNN):- Weriyaha Laanta af Soomaaliga ee BBC, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh, ayaa muddo sannad ah ka ruqseystay howshii BBC-da.Fasaxa sannadka ah ee Catoosh ayaa billaabanaya 1-da Oktoobar 2018-ka, wuxuuna ku egyahay 30-ka bisha Sebtembar ee sannadka 2019-ka.

Madaxa laanta Af Soomaliga ee BBC, Cabdullaahi Cabdi Sheekh, ayaa sheegay inuu kheyr u rajaynayo muddada uu Catoosh ka maqan yahay laanta, isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu soo noqon doono sannad ka dib.

Cabdullaahi wuxuu sheegay in dhageystayaasha ay la socodsiin doonaan haddii uu isbeddel ku yimaaddo xilliga uu Catoosh soo noqonayo.

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxaa uu ka mid ahaa weryiyeyaasha ugu khibradda badan xafiiska BBC Nairobi.

Wuxuu Laanta af Soomaaliga u ahaa barnaamij tebiye khibrad weyn u leh xirfaddiisa, oo dhageystayaasha ay la qabsadeen codkiisa, isla markaasna qaar badan oo iyaga ka mid ah ay sheegeen inay ka helaan qaabka uu wax u tebiyo

GABILY.NET

GABILEY OFFICE