Hoggaamiyeyaasha Maamul Gobolleedyada Somalia oo Eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka.

Muqdisho(GNN):-Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka furmay shirka Golaha Iskaashigamaamul goboleedyada Soomaaliya oo socon doona muddo saddex maalmood ah, shirkan waxaa la sheegay in looga hadlaya arrimo muhiim u ah dalka Soomaaliya.

Waa kulankii saddexaad oo ay yeelanayaan golaha Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya.

Khubado kala duwan oo ay jeediyeen madaxda maamul goboleedyada ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah oo kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madobe oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay arrimo badan oo dalka ka taagaan ay iska indho tirayaan.

Axmed Madoobe wuxuu yiri “ Madaxda dowladda federaalka waxaad mooddaa inay ku dhaqmayaan ama ay wax ku maamulayaan rabitaankooda sida ay markaasi rabaan iyo sida iyaga u muuqata ayna saaraynin cabbirka iyo aragtida, waddanka waa waddan nooce ah waddanka la maamulaya , dhaqankiisa muxuu yahay, xaggee buu soo maray”

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Gaas ayaa kulanka Iskaashiga maamul goboleeyada Magaalada Kismayo ka hadlay arrimaha siyaasadda soomaaliya iyo dhisitaanka ciidammada.

Madaxweyanaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna ka hadlay furitaanka shirka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay doonayso inay isaga xilka ka tuurto.

“Dowladdii Federaalka ee aan aadka ula shaqeeyay waxay abbaal iiga dhigtay waa in Xaaf baxa oo meesha laga saara waa naasib darro in maanta laga fekarayo ama ay kusoo uruurtay Xaaf ha baxo” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dhnakiisa sheegay in sababta ammni darrada ay weli dalka uga taagan tahay in aanan laga midaysnayn dagaalka ka dhanka ah Al Shabab.

Source BBC Somali.