Oohintan Ina haysataa maanta Waxaynu Ka dhaxli Doonaa Sidii, Dhacdadii Lubnaan Ee “Heestii Fanaanadii Najwa Akram ”

Ila Akhri Dhacdadan Cajiibka ah’
•- Oohintan Ina haysataa maanta Waxaynu Ka dhaxli Doonaa Sidii, Dhacdadii Lubnaan Ee “Heestii Fanaanadii Najwa Akram ”

Fayraskan Oohinta ah Ee soo Food-saaray Hableheenii Isla markaana Ka dilaacday Baraha Bulshada, Ayaa Waxay Sanadkii 2017-kii Ku dhacday Wadanka Lubnaan “Lebnon” Kadib Markii Fanaanada Caanka ee aadka Loo Jecelyahay Ee “Najwa Karam’, Ay soo saartay Heestii Halku dhigeedu ahaa
“ Xabiibi Dartaa Ilmo Waan U qubi Karaa”
Waxay suntii Ku faaftay Dhamaan Dhalinyaradii Reer Lubnaan,Siiba Hablihii’ Dalkaasi waxaanay Bilaabeen Inay Muuqaalo Ay Ilmaynayaan Ay iska Soo duubaan Sida Imika Ina haysata iyagoo Ku Soo bandhigaya Jacaylkooda.

Hadaba dhacdadii Layaabka Noqotay Ee Soo Af-jartay Muuqaaladii Oohinta Ee Hablaha Lubanaan, ee Heestaa darteed U dhacday ayaa Ahayd, Kadib Markii Mid Kamida Hablaha Lubnaan oo lagu magacaabo Raheema Ajmal’ Ay Duubtay Muuqaal Ay Muujinayso Dareen Jacayl Oo Murugo Badan xambaarsan Oo ay Ilmo-badan Qubtay Aadna u ilmaynayso Kadibna Sidii ay u ooyeysay ee u qiiraysnayd Ay mar-Qudha Jawigii Bedeshay oo Hanqaarantay isla markaana Ku kacday Fal-fool xun iyadoo aad U qiiraysan ilma-badanina Indhaheeda ka socto’ FalKaasoo ahaa Inay Gacanteeda bidix Qayb kamida Dhaawac u geysatay , Iyadoo adeegsanaysa Midi, Waxaanay Is Jartay Mid Kamida Xidida hal-bowlayaasha ah’ Ee Gacmeheeda, Ee dhaawiciisu Dhimashada Sababo, Iyadoo Ku dhawaaqasay Hadalo ah’ Waan Awoodaa Inaan Dartaa U dhinto Jacaylkaan Kuu qabo Dartii. ha yeeshee Raheema Ma Dhiman Ee waxaa Soo gaadhay Dhaawac Halisa Oo Qarka Ay U fuushay Geeri’. Aad buu U faafay Muuqaalkii Waxaanu Gaadhay Dawlada Isla Markiiba, waxaanay Dawladaasi ka Soo saartay Qaraar deg-dega’ dhacdadaasi kadib’ Qaraar Kasoo ah’ In qofkii Muuqaal Dambe Duuba Laga qaadayo Tallaabo adag, Uu ku mudanayo Xabsi Dheer.
Waxaana Dawladu Muuqaalkaa ka codsatay Inay Tir-tiraan Dhamaan Shirkadaha Leh’ Shebkadaha Isgaadhsiineed, Gebi ahaanba Muuqaalkaasoo Hawada lagaga Saaray Mudo Kooban, Sidoo kale Waxaa Raali gelin Buuxda Iyo Mag-dhaw Bixisay Fanaanadii Najwa Ee Ladhka Iyo Qarasta Jacayl Ku kicisay Raheema Ajmal, iyadoo Ku booqatay Hospitaalka.

Markaa walaalayaal Sheekadan Ina Haysataa Waa mid Bilow ah’ Waxay hableheenu Soo wadaan Tii Lubnaan Ka dhacdyoo Kale iga Walla.

#Fadxi Greenford
#Naasir Meecaad.