Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Waftigii uu Hogaaminayey Oo Maalinta Barriya La Filayo Inay Dalka Kusoo Guryo Noqdaan.

Hargeisa(GNN):-Madaxwaynaha Kuxigeenka Somaliland  Xaaji Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Iyo Xubno kale oo ka socday Xukuumada Iyo Asxaabta Mucaaridka Ee Somaliland oo Mudooyinkii udanbeeyay ku sugnaa dalka sucuudiga ayaa la filayaa in maalinta barri ah ay  kusoo guryo noqdaan caasimada jamhuuriyada somaliland ee Hargaysa.

Qaban Qaabada soo Dhawaynta Watfiga Madaxwayne ku xigeenka somaliland Ayey Ku Hawlan yihiin Xubno kamida Xukuumada iyo Ururada u Olaleeya Qadiyada Qaranimada Somaliland.

Inta La Ogyahay Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Ayaa  Mudadii uu ku sugnaa dalka sucuudiga Qaaday Taalaabooyin Kor U Qaaday Qadiyada Qaranimada Somaliland iyo Aqoonsi Ay Beesha Caalamka ka hesho, Iyadoo Shaashadaha lagala Wada Socoday Qaabkii Ay Dawlada Sucuudigu  Ku Qaabishay iyo Sidii meeqaab sare ahayd ee loo qaabiley, isagoo kulamo la qaatay Boqorka Dalka sucuudiga ,Dhaxal sugaha dalka Iyo Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Sucuudiga Iyadoo kulamadaasi ay somaliland usoo hoyeen guul siyaadadeed .

Boqorka dalka sucuudiga ayaa tan Iyo intii Ay jirtay somaliland markii ugu horaysay Sidan uqaabilay Madaxda somaliland taasi oo soo jiidatay indhaha Wadamada Khaliijka.

Isbadalkan siyaasadeed ee somaliland ka gaadhay xidhiidhka ay la leedahay Boqortooyada sucuudiga ayaa waxaa dadaal iyo juhdi badan galiyay shaqsiyaad reer somaliland ah oo degan dalka sucuudiga kuwaasi oo suurto galiyay in madaxwayne kuxigeenka somaliland ay usuurto gasho meeqaabkan iyo sharafta uu u horseeday somaliland

Dhanka kale xubnahan Reer Somaliland ayaa xiligan ku hawlan sidii loo sii xooji lahaa xidhiidhka somaliland la leedahay boqortooyada sucuudiga islamarkaana ay somalilad uga heli lahayd gargaaro kala duwan iyagoo xubnahan reer somaliland ay ku talo jiraan in sanadka danbe xujajyda reer somaliland ay xajka ku tagaan baasaboorka somaliland.

Sikastaba ha ahaa safarkan madaxwayne kuxigeeka somaliland ku tagay dalka sucuudiga ayaa noqonaya mid taarikhda somaliland iyo xidhiidhka dalka sucuudiga ka gali doona baal  dahab ah kaasi oo lagu xusi doona diwaanada taariikhda.