Muwaadiniin Reer Somaliland ah Oo ka Mid Noqday 100 qof Ee Ugu Dedaalka Badan Afrikaanka ku Nool Wales

Hargeysa(GNN)- Laba nin oo reer Somaliland ah ayaa ka mid noqday 100 qof oo Afrikaan Welish ah  oo lagu qiimeeyey inay fikrado la yimaadeen isla markaana ay hormuud u yihiin dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee u shaqeeyey Waddanka Wales ee Boqortooyada Ingiriiska.

Dalka Wales  waxa lagu qabanayaa  bisha  fooda innagu soo haysa ee October,  sannad guuradda 70aad ee ka soo wareegtay xiligii  dadka Afrikaanka ah ay tageen  dalkaas, sidaasna waxa shalay daabacday shabakadda Wales  Online.

Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa xalay   ka soo xigatay Shabakadda Wales  Online,  in   Iid Cali Axmed iyo Cali Cabdi oo u dhashay Somaliland  ay ka mid noqdeen boqolka qof ee ugu dedaalka badan Afrikaanka ku nool Wales.

Iid Axmed Cali oo 68 jir ah  waxay Wales Online xaqiijisay  inuu ahaa halgamaa iyo hawlwadeen  hore oo ka soo shaqeeyey Baan caalamiya. Waxaanu  Wales  ku galay qaxoontinimo sannadkii 1987kii, isagoo noqday    Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Qaxoontiga Wales (WRC) sannadkii 2011kii.

Warku wuxuu intaas ku daray in Iid Axmed Cali uu ka tirsanaan jiray  ururkii SNM ee riday taliskii kaligii taliyihii Siyaad Barre oo ka soo barokaciyey dalkiisii.

Iid Axmed Cali wxa kaloo uu noqday Guddoomiyihii hore ee bulshada reer Somaliland ee Yurub iyo Ingiriiska.waxaanu si joogto ah u booqdaa Somaliland oo ah waddankiisa  hooyo oo ah mid xasiloon  oo dimuqraadi ah oo xornimadiisii kala soo noqday Soomaaliya.

 Warbixintu waxay intaas ku dartay in Cali Cabdi  uu isna xubin firfircoon ka ahaa bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Cardiff, waxaanu door ku lahaa olole ku wajahnaa toosinta iyo dhiirigelinta dhallinyarada,si ay ula macaamilaan bulshada ay la nool yihiin.

Cali Cabdi waxa  kaloo uu ka qaybqaatay mashruuc la xidhiidhay shaqo abuurka iyo kor u qaadista xirfadaha shaqo  oo looga gol lahaa in  lagu yareeyo  saboolnimada.

GABILEY.NET