Nuxurka Kulan Adag Oo Dhex-maray Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Xisbiyadda Qaranka + [ Maxaa Lagaga Hadley ]

Hargysa (GNN) Daawo :- Nuxurka Kulan Adag Oo Dhex-maray Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Xisbiyadda Qaranka + [ Maxaa Lagaga Hadley ]

HALKAN HOOSE KA AKHRISO 

Wada-hadaladii hore looggu balansanaa

ee u dhaxeeyey Xukuumadda iyo saddexda Xisbi Qaran isla mar ahaantaana ku saabsanaa arrimaha Doorashooyinka oo shalay ka qabsoomay aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa laga ga wadahadlay arrimo xasaasi ah iyada oo qodobaddii laga ga dooday lagu soo daray Kala-dirista Goleyaasha Deegaanka iyo arrimo khuseeya Doorashooyinka Somaliland.

 

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka iyo Muxaafadka oo ka koobnaa 18-xubnood, ayaa laga ga wada-hadlay siddii loo dejin lahaa jawiga wada-hadalka iyo qodobada laga ga doodaayo inta uu socdo wada-hadalka khuseeya arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Xisbiyada iyo Xukuumadda.

Illaa hadda ma jiraan warar amuurtaa la xidhiidha oo laga soo saaray kulankaasi balse wararka laga helayo ayay waxa ay sheegayaan in kulankii shalay oo ahaa mid ay doodiisu aad u kululaatay isla mar ahaantaana lagu tilmaami karo in uu ahaa kulan taag taagan oo sababey in si ad adag la isku la hadlo ayaa hadana dhinacyadu isla garteen in ay marka hore isla dejiyaan qodobada salka u noqonayaana(Agenda) wada-hadalka u dhaxeeya dhinacyaddaasi.

Wararku waxa ay sheegeen in qodobaddii la isla gartay ee sida wada-jirka ah loo qorey isla mar ahaantaana si gudo gal ah loogga doodi doono kulamada dambe ay ka mid ahaayeen kala dirista Goleyaasha Deegaanka, Arrinta Komishanka (Kala dirista Komishanka Doorashooyinka oo Waddani doonayo), kordhinta tirada Komishanka iyo qaabka xulistooda, Saami-qeybsiga kuraasta Wakiillada iyo arrinta Kootada ee haweenka iyo beelaha Gabooye.

Qodobadan, ayaa saldhig u ahaan doona doodaha dambe ee ay dhinacyadu ku wadaagi doonaan wada-hadalka, waxaana qabsoomidda Doorashooyinku ay ku xidhnaan doonaan natiijada ka dhalata go’aamada iyo is-fahamka ka soo baxa wada-hadalada dambe ee loo balansan yahay.

 

GABILAY.NET