Hargeisa-Dugsiyada Nuuradiin Oo Xaflad Balaadhan Ku Gudoonsiiyey Hadyado Qaaliya Ardaydii Kaalmaha Ugu Sareeya Ka Galay Imtixaankii Shahaadiga Ee Jsl.

Hargeisa(GNN):-Maamulka Sare ee Dugsiyada Nuuradii Ayaa Maanta Xaflad Balaadhan U Qabtay Kuna Gudoonsiiyey Abaalmarinihii ugu Qaalisanaa Ardaydii Kaalmaha Ugu Sareeya Ka Galay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dalka.

Munaasibad si qurux badan loo soo agaasimay abaalmarino lagu gudoonsiinayo ardaydii ka tirsanayd dugsiyada Noradin kaalmaha sare ka galay imtixaamaadkii shahaadiga ahaa ee guud ahaan jamhuudiyada Somaliland ayaa lagu qabtay dugsiga sare ee wiilasha ee Noradin.

Xafladdaas ayaa waxa ka soo qayb galay martisharaf kala duwan oo ay ka midyihiin xubno golaha wasiirada ah, madaxdhaqameed, xubno maamulka dugsiga, macalimiinta iyo ardayda ayaa waxa abaalmarino ay ka midyihiin, Gaadhi, dahab, computer, bilado iyo shahaado sharafyo ugu horeyn maamulaha guud ee dugsiyada sare ee Noradin ayaa ka waramay guulaha kala duwan ee dugsiyada Nuuradiin. Maamule cakuush ayaa tilmaamay in ka sokow todobada todobada uu dugsigu ka helay tobanka kaalmood ee ugu sareeya dalka, in sidoo kale dugsigu helay kaalmaha tirada ugu badan ee helay darajada ‘A” .

Maamuluhu waxa tusaale u soo qaatay gobolka maroodijeex oo 55 arday ay keeneen darajada “A” in 37 ardy oo ka mid ahi ay ahaayeen dugsiyada Nuuradiin ahaayeen, Sidoo kale wuxu maamuluhu tilmaamay in 11 sano oo dugsigu ka qayb galay imtixaanada shahaadiga ah 10 sano oo ka mid ah ayay ku guuleeysteen kaalmaha ugu sareeya ee dalka.

Todoba sano oo tobankaa ka mid ah waxay ku guulaysteen kaalinta koobaad iyo tirada ugu badan ee kaalmaha hore ee dalka, taas oo ka dhigaysa dugsigii kaalmaha ugu badan ka galay imtixaanadii kala dambeeyay ee dalka Ka sokow imtixaanada shahaadiga ah 24 arday oo ka mid ah ardayda dugsiyada Nuuradiin ayaa waxay ku guulaysteen deeqo wax barasho oo dibada ah oo kala ah wadamada Turkiga, Malaysiya iyo talyaaniga.

Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha mudane Boos Mire Maxamed iyo Gudoomiyaha Ololaha qabyaalad diidka Cabdikariim Axmed Mooge oo ka mid ahaa masuulihiintii madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in tartanka ardayda Noradin u galeen deeqaha waxbarasho ee ay ku guuleysteen ay markhaati ka tahay in guusha imtixaanaadka shahaadiga ahi ay tahay mid ay aqoontooda ku heleen.

Dugsiyada Noradin ayaa ku guulaystay todoba ka mid ah tobankii kaalmood ee ugu sareeyay imtixaanadii shahaadiga ahaa ee dusiyada sare guud ahaan, iyo sideed kaalmood marka dugsigyada gaarka ah gaar loo saaro iyo Lab aka mid ah dugsiyada dhexe ee sanadkan.

Ugu danbayn waxa halkaa abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyay sideed ardy oo kaalmaha sare ka galay dugsiyada sare iyo laba arday oo dugsiyada dhexe ah oo kaalmaha sare ka galay imtixaanadii shahaadiga ah ee dalka oo dugsiga noradin ka ka baxay.

 

Ardygii kaalinta koobaad galay ayaa la gudoonsiiyay gaadhi cusub oo firoosa ah hablahii hablaha yaa sidoo kale lagu abaalmariyay takhamo dahab ah, halka ardayda kalena la siiyay laabtobyo(laptops) iyo abaalmarino isugu jiray shahaado sharafyo iyo bilado la siiyay dhamaan ardayda Dugsiyada Nuuradiin ayaa sanadkan ku guulaystay todoba ka mid ah tobanka kaalmood ee dugsiyada sare ee dalka guud ahaan iyo 8 kaalmood marka dugsiyada gaarka ah gaar loo saaro, Iyo sidoo kale laba kaalmood oo ka mid ah tobanka kaalmood ee dugsiyada dhexe.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.