Shirkado Shisheeye Oo Heshiisyo La Galay Maamulka Somalia Oo Dacwad Uga Gudbiyey Maxkamad Caalamiya.

Muqdisho Somalia(GNN):-Safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub  Dr Cali Saciid Fiqi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay  ka hortagto “dhaawac soo gaara sumcaddeeda”, tilaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Soomaaliya ay soo dacweysay shirkad ay 2013-kii heshiis kula gashay sameynta 6 markab oo kuwa roonada ah.

“Waxaan rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka hadasho sharci ahaanshiyaha heshiiska, waayo kiiska maxkamadda laga furayo haddii laga aamuso waxaa uu dhaawacayaa sumadda dalka” sidaasi waxaa yiriDr.  Cali Saciid Fiqi

Hadalka Fiqi waxaa uu ku soo aadey iyaga oo shalay isniintii ay shirkadda qandaraaska kula jirtay dowladda federaalka ah arrimaha maraakiibta ee AMOSC  ay  ogaysiis la xiriira inay gal-dacwadeed ka furanayaan ah u gudbiyeen Rotterdam, Holland.

TAMARA oo ah hey’adda kala saarta murannada la xiriira badaha ayaa kala saari-doonta dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda AMOSC , shirkaddan waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska ay la gashay Soomaaliya uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah.

Heshiikan 6da markab ah, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan laga jawaabin, oo ballantii looga baxay.