Siyaasiga Faarax Macalin Oo Hargeysa Soo Gaadhey , Iyo Maanta Madaxda Uu La Kulmayo

Hargeysa (GNN)Siyaasiga Faarax Macalin oo  mar soo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Kenya dalka Kenya ayaa maalintii shalay aheyd soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasiamda Somaliland

Faarax Macalin oo ka yimid dhinaca magaalada Jig jiga ee caasimada maamulka Somalida Itoobiya oo uu maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Somaliland

Sidoo kale Farax Macalin ayaa waxaa uu maanta uu kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeelan doona Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi sida ay wararku sheegayaan

Dhinaca kale Siyaasigan ayaa la filaya in uu isla maantauu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,

GABILEY.NET