Wadada Isku Xidha Bariga Iyo Galbeedka Somaliland Ee Dawga Sheekh Oo La Xidhay + [ Sababta Loo Xidhay Iyo Cida Xidhay ]

Burco (GNN):- Dawga magaalada Sheekh oo isku xidha gobolada bariga iyo galbeedka Somaliland ayaa saaka lagu soo warramayaa in uu xidhan yahay.

Image result for Dawga Sheekh

Dadka deegaanka waxaa ay sheegeen in dawga saaka la xidhay 6-dii subaxnimo saacadda geeska Afrika.

 

Wadada dawga oo burbursan ayaa la sheegay in dib u haybeyn iyo dayactir lagu sameynaayo – sababta loo xidhayna ay taasi tahay.

Isku socodka gobolada bariga iyo galbeedka ayaa haatan hakad ku jira, ku dhawaan 100 gaadiid ah ayaa lagu soo warramayaa in ay halkaasi ku xayiran yihiin. Lama oga goorta dib loo furaayo dawga.

Gaadiidka qaadka sida ayaa la sheegay in ay toos u marayaan wadadaasi halka ay xaniban yihiin gaadiidka kale ee dadweynuhu.