Ciidanka madaxtooyada Maamulka Puntland oo ka gadooday mushahar laโaan ayaa saaka Xidhay wadada laamiga ah ee aadda dhinaca wasaaradaha iyo xarunta madaxtooyada Garoowe.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa ku waaberiistay ciidan hubaysan oo gaadiidka celinaya kuna amraya in aysan isticmaali karin laamiga u baxa dhinaca wasaaradaha iyo madaxtooyada.
Saraakiil ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la hadlay warbaahinta BurcoOnline Ayaaย sheegay in wax mushahar ah qaadan mudda 7 bilood ah,islamarkaana ballanqaadyo loo sameeyay in ay lacagtooda heli doonaan aysan waxba ka hirgelin.
Saraakiishu waxay intaas raaciyeen in ciidanka madaxtooyada Puntland ay tan iyo bilowgii sannadkaan ilaa saddex jeer mushahar laโaan u gadoodeen,balse mar walba ballan-qaadyo loo sameynayay welina haysan helin xuquuqdooda.