DAAWO: Xaflad Loo Qabtay Dufcadii 10aad Ee Ka Qalin-jebiysay Jaamacadda ADMAS + SAWIRRO

Hargeisa(GNN):-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo loo sameeyay 607 (Lix boqol iyo todoba) arday oo ka qalin-jebiyay Jaamacadda Admas Universaty Collage faraceeda magaalada Hargaysa.


Xafladani oo ahayd mid si weyn loo soo maamusaay kana soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo ka socota dawladda Somaliland iyo axsaabta qaranka ayaa waxa halkaasi si wayn looga xusay muhiimadda ay waxbarashada iyo aqoontu u leedahay aadamaha.