Xukuumada Somaliland oo furtay Shaqaalayntii ugu badnayd iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Bilowday Xulida 954 Kaalmo Shaqo

Hargaysa(GNN)Xukuumada Somaliland oo furtay Shaqaalayntii ugu badnayd iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Bilowday Xulida 954 Kaalmo Shaqo oo kasoo Baxay Wasaaradda Waxbarashada

Kadib Markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu joojisay 1,626 Kaalmo shaqo oo kasoo baxay 41 xafiis oo dawladeed ayaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu bilowday hannaankii loo buuxin lahaa kaalmahaa shaqo ee soo banaanaaday.

Si taas lamid ah, Wasaaradda Waxbarashada JSL oo ay markii hore diiwaanka mushahar bixinta ugu jireen 6,448 oo shaqaale ayaa waxaa kasoo dhex baxay 954 kaalmo shaqo oo dadkii markii hore ku mushahar qaadan jiray aanay joogin/jirin halka 672 kaalmo shaqo-na ka banaanadeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawladda.

Haddaba, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo fulinaya tallada Madaxweynaha JSL sida oo kalena qiimaynaya duruufaha gaarka u ah Wasaarada Waxbarashada ee keeni kara in marka macalin shaqada ka tego lagu sii buuxiyo kaalintaa shaqo macalin buuxin kara kaalintaa banaanatay ayaa la isla qaatay in degdeg loo shaqaaleeyo kaalmahaa shaqo ee kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada si aanay u kala go’in waxbarashadii ardayda dalku.

Si taas looga jawaabo, waxa maanta u kala baxay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka wafti ka kooban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada si loo soo kormeero in ka badan kun (1000) dugsi oo isugu jira hoose/dhexe iyo sarre oo dawladdu leedahay sii loo soo hubiyo macalimiinta ku sugan ee dheef la’aanta ugu shaqeeya ardayda

Tallaabadan ayaa u horseedi doonta macalimiin in badan rejo sugayaal ahayd in ay helaan fursad shaqaalayn hadii ay joogaan isla markaana buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay macalinka tolmoon.

Dhanka kale, waxa si buuxda loo soo ogaan doona tirada dhabta ah ee macalimiin bilaa gunno ah ku sugan dugsiyada dalka si qorshe degdeg ah looga yeesho

Kormeerkan xog raadinta iyo Shaqaalaynta isugu jira ayaa ku soo dhamaan doonaa mudo 14-casho ah halkaas oo kadib la bilaabi doono baahinta 672 kale ee kalamo shaqo kuwaas oo loo geli doonno tartan furan dhamaaan gobolada dalka

Ugu dambayn, tallaabadan ayaa bilow u noqon doonta furitaanka shaqaalaynta dalka iyo tartamo badan oo fursad u noqon doonta dhalinyarada dalka ee u heelan in ay qarankooda u shaqeeyaan.

Somaliland waxa ay cagta saaraysaa jidka daah-rognaanta iyo dawlad wanaaga oo ku dhisan CILMI iyo CADDAALAD.