Deg Deg Wasaarada Warfaafinta Oo Deg Deg Ugu Yeedhay Afar Telefishan Oo Xalay Sii Daayey Warkii Korneyl Caare

Hargeysa (GNN):- Wasiirka wasaarada warfaafinta

Somaliland Md Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa waxaa uu maanta kulan deg deg ah ugu yeedhay qaar ka mid ah Telefishanada Somaliland laga leeyahay kuwaas oo la sheegay inay xalay sii daayeen war uu lahaa Korneyl-ka ciidanka Somaliland ka goostey ee Korneyl Caare .

Telefishanadan oo tiradoodu aheyd Afar ayaa waxaa ay kala yahiin Star Tv , Eryal Tv , Saab Tv Iyo Bulsho Tv , waxaana uu wasiirku ku war galiyey in Digniino hore loo jeediyey Afartan Tv oo ku saabsan waxii qaran nimada dhawaacaya in aaney sii deynin .

Sidoo kale Wasiir Guribarwaaqo ayaa mar kale ugu baaqay in aaney sii deynin waxii ka hor imanaaya qaran nimada Somaliland , waa sida uu hadalka u dhigaye .

Ilaa hada ma cada arimaha ay isla meel dhigeen telefishanada iyo wasaarada warfaafintu .