Boqorka Sucuudiga Oo Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Madaxweyne Erdogan Kala-Na Hadley Arinta Wariye Jamaal Khashoggi

Jiddah (GNN):- Boqor Salmaanka Sucuudiga

ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada arrinsadaan baaritaan wada jir ah oo lagu sameeyo arrinta weriye caan ah oo u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Image result for Boqor Salmaan And Erdogan

 

Boqor Salmaan ayaa Erdogan u sheegay in waddankiisu u xidhiidh wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga, aynan dhici karin in cid kale ay waxyeeleysi xidhiidhkaas wanaagsan ee soo jireenka ahi.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in hadalka boqorka uu ka dhigan yahay in xukuumadda Sucuudigu ay dooneyso in arrintani ay u hesho xal diblomaasiyadeed.

Sucuudiga ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, waxaana waddamada Jarmalka, Britain, iyo Faransiisku ay ku baaqeen in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo arrinta weriyahaasi.

War murtiyeed ay Axaddi si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka waxay ku baaqeen in baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay Mr Khashoggi in la sameeyo.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay sheegay in Mareykanku uu “ciqaab adag” marsiin doono Sacuudi Carabiya waa haddii buu yiri la xaqiijiyo in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay mas’uul ka aheyd dhimashada weriye Jamaal Khashoggi.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga oo soo xigatay xubno sare oo boqrtooyada ka tirsan ayaa waxay qortay “iney boqortooyada ay iska caabbin doonto waxyeello ama tallaabbo kasta oo dhan walba uga timaadda oo la xidhiidha eedda dusha laga saaray ee wariyaha la la’yahay oo ku dambeeyey qunsuliyaddeeda Istanbul”

“Waxayna Boqortooyadu sheegtay iney jawaab culus ka bixin doonto tillaabba kasta oo lagu soo qaado, maadaamaa dhaqaalaha Sacuudiga uu saameyn xoog leh uu ku leeyahay dhaqaalaha dunida.