Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay inuu Hubo in Soomaaliya maalin uun aqoonsan Doonto Somaliland

Hargeysa (GNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa  sheegay in maalgashiga Shirkadda DP World ay ku ballaadhinayso marsadda Berbera uu sii xoojinayo  madax-bannaanida Somaliland.

Sidaasna waxa  daabacay   Wargeyska The National ee ka soo baxa dalka Imaaraadka carabta oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA  soo turjuntay qormo dheer oo uu maanta  ka  qoray wargeyskaasi   Somaliland.

Wargeyska The National wuxuu sheegay inay Somaliland buuxisay astaamihii qaranimo  oo ay leedahay ciidan millateriga ah  iyo  kuwo Booliska ah, dowlad shaqaynaysa iyo lacag u gaar ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa u iftiimiyey Wargeyska ka soo baxa Imaaraadka  in aanay Soomaaliya xukumin Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi  wuxuu  xaqiijiyey in maalgashiga shirkadda DP World uu ku wajahan yahay sidii marsadda Berbera u noqon lahayd mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Afrika, taasi oo Somaliland u horseedi doonta inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka.

“DP World waa shirkad weyn oo caalamiya oo ku dhac u yeelatay inay timaado Somaliland, waxaanan ku rejo weyn nahay in shirkado kale ku dayan doonaan,’ayuu yidhi madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa uu  Madaxweynaha Somaliland  sheegay in marka Somaliland wax qabsato inay tahli doonto inay dalalka xubnaha ka ah qarammada midoobay aqoonsan doonaan.

“Marka hore waa in aanu annagu gadahayaga wax  qabsanaa, waanu sii wadaynaa sidii aanu dhinacyo kala duwan uga dhisi lahayn dalkayaga, markaa waxaanu tahli doonaa in dalalka xubnaha ka ah UN-ku ay aqoonsadaan Somaliland.”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi  wuxuu ku dooday  inuu hubo in maalin uun ay Soomaaliya lafteedu aqoonsan doonto Somaliland, sidii Itoobiya u ictiraaftay Ereteria, waxaannu yidhi  “Waxaan hubaa in maalin uun Soomaaliya lafteedu aqoonsan doonto Somaliland, sidii ay Itoobiyaba u samaysay Eretrea.”

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayey diidmada Madaxweynaha Soomaaliya ka muujiyey casriyeynta dekedda Berbera, wuxuu caddeeyey  inaanu  dhigiisa Soomaaliya  iman karin Somaliland, isla markaana aanu wax saamayn ah ku lahayn heshiiska ballaadhinta dekedda.

Ugu dambayn, Wargeyska  The National ee ka soo baxa Imaaraadku  wuxuu  soo xigtay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha  Somaliland Md. Mubaarig Taani   oo shaaciyey  in aan  xafladii lagu kala saxeexday   wejiga kowaad ee ballaadhinta marsadda Berbera 11kii bishan  aan lagu soo casuumin Soomaaliya isla markaana aan laga soo dhaweynaynin Somaliland.

Xoghayaha Madaxweynuhu wuxuu Wargeyska The National uu mugdiga uga saaray in marka la eego  xeerarka Somaliland ay dambi tahay in  madaxda Soomaaliya yimaadaan Somaliland.

GABILEY.NET