Dhul Gariir Xalay Ka Dhacay Magaalo Somaliland Ku Taala

Hargeysa (GNN):- Magaalada Boorama ee xarunta

gobolka Awdal ayuu goor dhawayd ka dhacay dhul gariir.

Dhul gariirkan ayaa laga dareemay guud ahaan magaalada Boorama, kaas oo aan ilaa hada la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dhul gariirkan ayaa magaalada Boorama laga dareemay goor dhawayd, ilaa hadana ma jirto cid ka tirsan masuuliyiinta gobolkan oo ka hadlay isla markaana soo bandhigay wax khasaare ah oo dhul gariirkaasi sababay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaanay ahayn markii koowaad ee uu ka dhaco dhul gariir, iyada oo haatana ay xaalada magaaladu tahay mid degan ka dib dhul gariirkaasi.

GABILEY.NET