Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Kormeer 7 Cisho Kusoo Sameysay Gobolada Iyo Degmooyinka, +Barreyaal Xuquuqdoodii helay.

Todoba Casho oo kormeer ah iyo Bareyaal horey Codkooga loo maqli jirin oo helay Fursad Dahabiya

Hargeisa(GNN):-Todobaadkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku gudo jiray kormeerka iyo kuur-galka xaalada dugsiyada iyo bareyaasha dalka

Kormeerkan ayaa lagu soo ogaanayaa inta macalin ee dheef la’aan qaranka ugu adeegayey sanadihii badnaa ee lasoo dhaafay iyaga oo fursadan dahabiga ah ku helay shaqaalayn buuxda kadib markii la hubiyey kartidooda iyo heerkooda aqooneed

-Fursadan Shaqaalaynta ah oo lagu shaqaalaynayo in ku dhaw kun macalin “954” oo aan horay ugu jirin diiwaanka mushahar bixinta ayaa u socota si habsami leh.

-Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhankooda si waafi ah u samaynaysa xog-ururin buuxda oo ku aadan; xaalada dugsiyada, xirfada baraha , adeegyada ka maqan dugsiyada, baahiyaha aasaasiga ah ee baraha iyo guud ahaanba inta baylah ama barkhad ay qabaan barayaasha iyo goobaha waxbarasho ee dalku.

-Socdaalkan ayaa mar keliya ka wada socda dhamaan-ba gobolada iyo degmooyinka dalka halkaas oo la marayo dhamaan-ba dugsiyada dalka

-Tallaabadan ayaa dalka u horseedi doonta in lasoo ogaado guud ahaan inta macalin ee dalka dheef la’aan ugu adeega iyada oo dhanka kalena Wasaaradda Waxbarashadu si dhab ah u heli doonto dhinacyada goob walba oo waxbarasho u baahan tahay in laga tiiriyo.

Shaandhayn, shaqaalayn iyo sharfida bareyaal mudo badan codkooga la maqli waayey waa shaqada mudooyinkii u dambeeyey dalku ku gudo jiro.