Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Kormeer kedis ah ku Samaysay Shaqaalaha Ammaanka ee Madaarka Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Subaxnimadii hore ayey ahayd kadib markii hawl-wadeenada Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay wehelinayaan Madaxda madaarka Hargeysa oo uu horkacayo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland kormeer kadis ah ku soo mareen qaybaha kala duwan ee shaqaalaha Ammaanku ka hawl-galaan gegada diyaaradaha ee Cigaal International Airport

-Kormeerkan oo isugu jiray hubinta joogitaanka shaqaalaha iyo indho-indhaynta hufnaanta hawl-gudashada ayaa socday 6:30 Subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo halkaas oo labada kal shaqo “Two Shifts” loogu kuur-galay xiliga, xaalada iyo xirfadooda-ba

-Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii dawladdu dib ula soo noqotay gacan ku haynta ammaanka madaarka iyada oo shaqaalihii ka hawl-galayeyna sidoodii shaqada u wataan.

-Intii kormeeku socday waxa Hayadda Shaqaalaha Dawladda u muuqanaysay shaqaale ay ka muuqato farsamo iyo feejignaan dheeri ah kuwaas oo qof iyo qalab ahaan-ba u diyaarsan in ay sugaan Amniga madaarka oo ah marinka iyo muraayada koobaad ee dal laga soo galo.

-Ugu dambayn, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay hambalyeynaysaa shaqaalihii saacadihii shaqada sida wanaagsan u ilaalinayey kuwaas oo ay ku adkaynayso u jajabnaanta shacabka iyo bixinta adeeg hufan

– Kormeerkan ayaa bilow u noqon doona kormeero lama filaan ah oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku daba-gali doonto shaqaalihii is-diiwaangeliyey mudooyinkii dambe in ay xarumihii shaqada ku sugan yihiin iyo sida oo kale in si cad la xisaabtan uga imaado saacadaha shaqada ee shacabku xaqa ugu leeyihiin shaqaalaha