Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Ka Sheekeeyey Qiso Dhexmartay Madaxweyne Cigaal Iyo Beel Kamida Beelaha Somaliland

Hargeysa(Gnet)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore xisbiga Kulmiye looga eryay ayaa ka sheekeeyay sida uu u arko guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaas Jaamac Shabeel oo xilkaas isagana haatan laga eryay iyo kaalinta uu ku lahaa isaga wakhtigii dibada loo tuurayay.

Waxa uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ka hadlay xaalada dalka, xidhiidhka madaxweynahe Muuse Biixi iyo isaga, waxaanu madaxweynaha u soo jeediyay xalinta dhibaatada qabyaaladeed ee dadkii dalka soo kala dhex gashay, waxaanu saami qaybsiga beelaha ku tilmaamay mid dalka dhibaato weyn ku haya.

Waxa uu waraysigan siiyay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir wariye Badri oo ka tirsan tilifishanka Eryal, waxaanu waraysigaas u dhicay sidan

Warar Ayaa sheegaya inaad madaxweynaha kulanteene bal waran?

Aan ka cudur daartee siyaasadda inbadan waan ka maqnaa laakiin bahasha lagama baxo, madaxweynaha ismaanu arkin waxa isugu kaaya danbaysay markii olloluhu uu socday oo maalin aanu gurigayga isku aragnay oo aanu wada sheekasanay, oo aanu ka wada hadalnay inaan taageero iyo in kale aniguna aan ka cudur daartay maalintaas ayaa isugu kaaya danabaysay, laba jeer ayaan anigu codsaday oo aan jeclaa inaan arko mar waxay ahayd mar aan Xamar ka imi oo aan doonayay arimo xaasaasi ah oo halkaas ka socday inaan ka war siiyo, waan jeclaa inaan arko laakiin xagiisa ayay ka suurto gali wayday.

marka kale na waxay ahayd arimahan mashaakilka ah ee bariga ka socda ama Caare ama arimaha kale oo aan talooyin badan ka hayay dad badana aan kala xidhiidhay inaan arintaasna talo ka siiyo waan doonayay, wax shaqsi ah oo aan ka doonayayna ma jirto waxa la yidhi madaxweynuhu waxa uu ka cawdaa qofkii ii yimaadaaba inuu wax doonayo, laakiin arintaas bariga ka socotaa waa mid I qusaysa waa deegaankaygii iyo dalkaygii waa Somaliland oo dhibaatada halkaas ka timaadaa waa mid ina wada gaadhaysa, waxa la yidhi balaayadu dhago la qabtay leedahaye ee dabo la qabto ma laha, hadii ay arintaasi inagu fido khatar weyn ayay Somaliland iyo mustaqbalkeedaba galinaysaa, tiina way suurto gali wayday aniguna waandhoofay oo nasiib daro ayuunbaan u arkaa.

Xisbiga Kulmiye oo hore lagaaga saaray, waxa uu shalay xisbigu soo saaray warqad xisbigii lagaga eryay Jaamac Shabeel oo golaha dhexe guddoomiye u ahaa oo adigana ragii ku galaaftay ahaa sideed u aragtaa saaxiibkaa arinka xilka lagaga eryay?

Horta inaadeer ninkaas saaxiib ma nihin, shaqsi aan jecelahayna maaha foolxumadii meesha ka dhacdayna wax weyn ayuu ku lahaa, hasa yeeshee waxa la yidhi nin hadii la lagdo oo uu jiifo laguma sii joog joogsado, shaqsigaas aanan jeclayn nin ku talax tagaaya ma ihi.

Soomaalidu hore ayay u maah maahday oo ay tidhi booraan hadimo ha qodin hadaad qodana ha dheerayn ku dhicidoontaana ma ogide, ninkaas odayga ah waxaas lagu sameeyay hadii ay xun yihiin iyo hadii ay wanaagsan yihiinba waa waxii uu bilaabay waa xaqdaradii uu madaxda ka ahaa ee uu lacagta madaxtooyada kaga soo qaatay tii uunbaa ku dhacday, kaligayana nagumay dhicine waata Cabdiraxmaan Talyanle iyo Waabeeyaba ku dhacday, waxa uu Kulmiye maanta sameeyay ceebtiisa maaha ee waa caadadiisa, ninkaasi waxa uu maanta ku hadlaayo garan maayo laakiin waxa la yidhi cid kastaa waa hadashaaye waxa uu ku hadlo waan arki doonaa, Kulmiyena waxaan leeyahay caadadani mid wanaagsan maahee dib u xisaabtama oo sharciga aad samaysataan ama raaca ama iska tuura.

Ma isleedahay xisbiga Kulmiye waxa uu marayaa dariiqa xisbigii Udub ee baaba’ay marka aad eegto dadka badan ee laga saaray?

Mushkilad ayaa ina haysata waxaad moodaa in dadkeenu aanu waxan dimuqraadiyada la yidhaahdo aanay fahan-sanayan. Daanyeer gaboobay ayaa indho beelay dabadeed waxa uu maqlay waxa jirta bahal muraayad la yidhaahdo oo hadii aad jidhka saarto uu soo noqonaayo aragaagii, mid yaroo daanyeeradii uu awoowga u ahaa ayaa u soo xaday, muraayadii ayaa loo keenay jilibka ayuu saaray, waxba wuu ku arki waayay oo gacantuu saaray waxba waa ku arki waayay oo dhakaduu saaray waxba waa u tari wayday oo waa uu iska tuuray waxa uu yidhi aadamaha wax ka nacasaysan oo ka maansuukhsan ma jiraan muraayad yar ayay leeyihiin aragay kuu soo celinaysaa.

Dimuqraadiyada sida ay tahay hadaan loo isticmaalin muraayadaas daanyeerku kolba meel saarayo weeyaan, dimuqraadiyadii meelbaan kaga dhacnay, waynu qaribnay oo kuma dhaqano ee munaafaqad ayaynu ku shaqaynaa, qabyaalad iyo qudhun ayaynu ku shaqaynaa, xisbiyadeenu xisbiyo dimuqraadi ah maaha, waa xisbiyo rag leeyihiin, waxay doonaan ay ka sameeyaan qofkay doonana ay aryi karaan, ka ay doonaana ay soo galin karaan sadexduba waa isku jaad dimuqraadiyadna meelna kama soo galaan, qabyaalad ayay ku salaysan-yihiin oo dad walaalo ah oo xisbiga oo aan waxba kala ahayn ayay intaas ka baayac mushtaraynayaan oo ay isku dirayaan.

doorashadii dhawayd waynu arkaynay foolxumada ay xisbiyadu wadeen dalkuna sidan ku jiri karimaayo sadexdan xisbi ee hadhaaga ah ee faashilka ah dalku u xidhanaan maayo, waxaan si dhaqso ah waa in wax looga badalaa.

Xisbiyada mudaad ka maqnayd hada siyaasada sadexdaas xisbi keebaad ka sii wadaysaa?

Sidaan kuu sheegay midna rajo ma laha, mid walba dad wanaagsan ayaa ku jira laakiin sadexdaba hogaankoodu dhaliilo aad u badan ayay leeyihiin, waxan midna anigu maanta ma gali karo oo Kulmiyena waxii na soo kala gaadhay waad ogayd, labada kalena waad garanysaa, anigu mid uunbaan leeyahay waar xisbiyadii ha la hagaajiyo oo xisbiyo dimuqraadi ah oo aan la kala lahayn halaga dhigo oo kii uu doonaana soo gali karo kii uu doonaana uu ka bixi karo, layska sharaxi karo oo loo siman yahay ha noqdeen ama ina kala daayoo nin waliba xisbigiisa ha furto oo umaddu ha kala doorato, maantadaas kala garan maysid keebaa muxaafid ah iyo keebaa mucaarid ah kala garan maysid, waxay u taagan yihiin kala garan maysid.

Fariinta aad madaxweynaha oo aad saaxiib ahaydeen aad halkan u marinaysaa maxay tahay?

Muuse markaanu xisbiga ku wada jirnay ee uu guddoomiyaha ahaa nin aad iyo aad wax u dhagaysta ayuu ahaan jiray, intuu gacanta iyo dhabanka sidaas isku saaro  ayuu ku dhagaysan jiray saacad iyo saacad iyo saacad, inay tii ka maqan tahay iyo inkale maan arkin laba wax uubaan kala hadli lahaa.

Muuse waxaanu ahaan jirnay saaxiib dalka markaan imina aad iyo aad ayuu isoo dhaweeyay, markii xisbiga waxaas laygaga samaynaayayna ninkii iigu mudarada yaraa ayuu xaqiiqdii ahaa, aan la yara kaftamee markuu qabsaday waxaan lahaa waa uu kuu yeedhayaa oo xaal iyo xaqbuu ku siinayaa laakiin saaxiibkay iima yeedhin, alle waa uu iga sareeyaaye inuu guulaysto Muusena waan rabaa sababta oo ah haduu guulaysto oo siyaasadiisu ay wanaagsanaato dalkay u wanaagsan tahay, dadkay u wanaagsan tahay anigay iiwanaagsan tahay.

Waxaan kula talin lahaa waa mide siyaasadii waa lagu kala fogaaday umaddii  way kala socotay qabyaalad iyo qudhun ayaa dhex galay sidaad umadaada isugu keeni lahayd ee eraygii madaxweynii hore ee Daahir Rayaale yidhi si aad u tidhaahdo maalinta ay kaa dhamaato dal iyo dad midaysan ayaa Muusow lagaaga baahan yahay, taas si aad u suurto galiso laba arimoodba waxbaad ka qabnaysaa ninkaas aad isku mujaahidiinta ahaydeen ee Caare iyo arintiisa xiisadaas ka taagan bari adiga ayaa lagaaga fadhiyaa xalinteeda cid kale oo ay saarantahay ma jirto.

Tusaale yarbaan bixinayaa waagii aan dagaalkii sokeeye ka nimi ayaa qoladii maleeshiyaadka ahaa ee dagaalamaysay ayaa Cigaal u yimaadeen oo liis ayay soo qorteen ay kaga cabanayeen, waxiibuu sidaas u eegay waxa uu yidhi waxan oo dhan ma aniga ayaad iihaysataan, waxay yidhaahdeen haa intuu isdaas u eegay ayuu ku yidhi waxaan qalad ku lahaa iyo waxa aanan ku lahaynba meesha waa ay ku qoran yihiin laakiin marba hadii aan madaxweyne ahay oo aan kursigii ku fadhiyo eedeedii aniga ayaa qaatay, ninka madaxda ahi wanaaga iyo xumaantaba isaga ayaa qaata, arintaas iyo xalinteedu cidkale ma saarna ee sidaad taas aad u dhiraan dhirin lahayd adiga ayaa lagaaga fadhiyaa, hadii aad doonayso arintaas inaanu wax kaala qabano waxaan filayaa inaan kaala qaban karaynee inta ay goori goor tahay ee aanay fogaan inaadeerow, walaalow,madaxweynoow saaxiibkayoow, mujaahidoow arintaas run u qaado hadii ay arintaasi inaga murkacato oo ay faraheena ka baxdo burburka Somaliland ayaad horseeday.

Takale waxa weeyaan gobalkaas Awdal guux weyn iyo cabasho weyn ayaa ka jirta iyaduna dareenkeeda ayay leedahay inaad muhiimad siiso waliba waxan saami qaybsiga la yidhaahdo anigu waxaan kula talin lahaa hadii aynu Isaaq nahay waxan faraha badan ee aynu qaadanayno aynu ka waantowno waar dadkan inala degan meeshii wax ha ku yeesheen oo hayska arkeen oo Jamhuuriyadii ha ka mid noqdeen, hadii aynu nidhaahno labaatan qaata anaguna lixdan iyo todobaad waxaasi socon maayaan aan xaq wax ku qaybsano oo dadkaas haloo badiyo oo hala tixgaliyo oo saami qaybsigani hawlbuu inagu soo wadaaye ka hawlgal oo adigu go’aan adag ka qaado.

W.Geeska