Mukhtar Robow oo Baydhabo Kaga Dhawaaqay in uu Yahay Musharax Madaxweyne+Diido Lagala Hor Yimid Inuu Isu Soo Taago Jagadaasi.

Muqdisho(GNN):-War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada amniga xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur aanu ka qeyb gali Karin doorashada madaxweynenimo ee la filayo in ay ka dhacdo maamulka Koonfur Galbeed bartamaha bisha November ee soo socota.

Qoraalka ayaa loo cuskaday in Roobow aanu buuxin shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowlada federaalka taasina ay ka reebayso in uu u tartamo doorashada Koonfur galbeed.

Talaabadan ay wasaarada amniga dowlada federaalka uga horjoogsatay damaca Roobow ee ka qeybgalka doorashada maamulka Koonfur galbeed ayaa meesha ka saaraysa tuhuno laga qabay in Roobow ay dabada ka riixayso dowlada federaalka hase yeeshee waxaan la ogeyn jawaabta uu ka bixin doono Mukhtaar Roobow qoraalka ay wasaarada amnigu uga mamnuucday musharaxnimadiisa doorashada KG maadama shalay uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa maamulka Koonfur galbeed

Hadaba Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka.

Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba.

Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulainaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay.

Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.

Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen.

Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.