Qurba Jooga Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo 31-ka May Oo Taageeray Go’aankii Lagu Joojiyey Cashuurtii La Siin Jiray Dawlada Hoose Iyo Baaq Ay Direen

Hargeysa(GNN):-Qurba jooga ka soo jeeda Magaalada Hargeysa gaar ahaan degmooyinka  Axmed Dhagax  iyo 31 May ayaa si weyn u taageeray go,aanka ay dadweynaha degmooyinkaasi ku shaaciyeen inay joojiyeen cashuurtii ay siin jireen dawlada hoose ee magaalada Hargeysa.

Qurba jooga ka soo jeeda degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo wada yeeshay shir ay ku kulmeen khadadka isgaadhsiinta ayaa isku raacay inay si mug leh u taageeraan go’aanka cashuur joojinta ah ee ay ku dhawaaqeen dadweynaha degmooyinkaasi.

Qurba jooga ayaa ku war geliyey dadka wakiilka uga ah hantida iskugu jirta guryaha iyo dhulka ee ay ku leeyihiin degmooyinkaasi inaanay bixin cashuurta

ay siin jireen dawlada hoose ee magaalada Hargeysa, iyaga oo shaaciyey inay go’aankan ku taageerayaan dadweynaha degmooyinkaasi ee wax qabadka ka waayey dadwlada hoose ee uu hor boodayo maayarka dhaliilaha badani dul hoganayaan ee Soltelco.

Qurba jooga ayaa war ay ka soo saareen go’aanka ay gaadheen waxay ku yidhaahdeen “Anaga oo ah qurba jooga degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee magaalada Hargeysa waxaanu go’aansanay inaanu taageerno talaabada ay ku dhaqaaqeen dadweynaha degmooyinkayaga ee ay ku joojiyeen cashuurtii ay siin jireen dawlada hoose taas oo ahayd mid aanay waxba kaga soo noqon oo sifo sharci daro ah loo isticmaalo isla markaana looga qaado, waxaana bulshada nooga wakiilka ah hantida aanu ku leenahay degmayoonkaasi ee dhulka iyo guryaha iskugu jirta ku war gelinay inaanay bixin wax cashuur ah oo ay siiyaan dawlada hoose, waxaanan ugu baaqaynaa degmooyinka kale ee iyagana laga qaado cashuuraha aanay waxba kaga soo noqon inay qaataan go’aankaas oo kale oo ay ka hor yimaadaan maayarka iyo xubnaha kale ee sida cadaala darada ah u isticmaalaya cashuurta laga qaado.”

 

GABILEY.NET