Ra,isul wasaarihii hore ee Bangladesh oo loola cararay isbitaal ku yaal magaalada Dakha

Hogaamiyaha mucaaradka ahna ra’isul wasaarihii hore ee Bangladesh Khaleda Zia ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Dhaka kadib amar ka soo baxay maxkamada sare oo ahaa in haweeneydaan ay dowlada la tacaasho xaaladeeda caafimaad.

Zia, oo 73, jir ah ayaa qaadaneysa xabsi horay loogu xukumay kadib markii lagu eedeyay falal musuq maasuq intii ay heysay talada.

Arintaan ayaa waxaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay agaasimaha isbitaalka Bangabandhu Sheikh Mujib mr Abdullah al-Harun.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii maxkamada sare ay ku amartay dowlada Bangladesh in haweeneydaan ay u ogolaato in lagu daweeyo isbitaalada waaweyn,kadib markii qareenadeeda ay sheegeen in xaaladeeda ay ka sii dareyso.

Ra;isul wasaarihii hore ee Bangladesh Khaleda Zia oo bishii la soo dhaafay ka soo hormuuqatay maxkamada sare ayaa waxay sheegtay in ay aad u xanuun saneyso.

Khaleda Zia ayaa intaa ku dartay in hal gacan iyo hal lug ay ka noqotay naafo ama cudurka afka qalaad lagu yiraah paralys.