Turkiga oo bilaabay baadi goobka wariye Jamal Khashoggi

Dowlada Turkiga ayaa bilowday baaritaan ku aadan saxafiga u dhashay sacuudiga kaasi oo la waayay afar maalin ka hor markii uu gudaha u galay qunsuliyada turkiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa maanta oo sabti ah sheegtay in dacwad soo oogayaasha ay bilaabeen baaritaan ka wariyaha la la;yahay ee Jamal Khashoggi.

Saraakiisha turkiga ayaa dhanka kale sheegay in sacuudiga uu ku fashilmay warka ahaa in ninkaan uu ka soo baxay qunsuliyada ayna aaminsan yihiin in uusan dibada uga soo bixin gudaha dhismaha.

Maalintii Jimcaha ayey aheyd markii wasaarada arimaha dibeda turkiga ay u yeertay safiirka sacuudiga u fadhiya magaalada Ankara si arintaan wax looga weydiiyo.

Boqorka sacuudiga Mohammed bin Salman (MBS) ayaa maalintii shalay sheegay in Turkiga ay u ogolaan doonaan in ciidamadooda ay ka baaraan qunsuliyada sacuudiga wariyaha maqan.

Jamal Khashoggi oo marar badan dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee boqortooyada sacuudiga ayaa tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ku noolaa mareykanka,ka hor inta uusan dhowaan imaan magaalada Ankara.