Warbaahinta Indian Ocean Oo Qortay In Wada Hadal Qarsoodi Ahi Dhex Maray Wasiirada Maaliyadda Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa(Gnet)-Majalada caalamiga ah ee Indian Ocean ee dalka Faransiiska ayaa cadadkeedii u dambeeyay ee Jimcihii waxay daabacday warbixin ay ku sheegtay in wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi uu wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay dhigiisa Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo masuuliyiin kale oo ka trisan madaxda dawladda Soomaaliya.

Warbixintan oo uu  beeniyay wasiirka maalilyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa waxay sheegtay inaanu Madaxweyne Biixi ka warqabin wada hadaladaas oo ay  Indian Ocean News ku tilmaantay “Suurtagalnimada in la iswaafajiyo dakhligooda cashuurta iyo qaabdhismeedka nidaamkooda maaliyadeed si loo buuxiyo shuruudaha baanka adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF) iyo si ay dib ugu qiimeeyaan deymahooda iyo siinta deymaha.” Ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Hindisahani waxa uu dawladda Federaalka Soomaaliya u ogolaanayaa in ay qayb deyntaas ka mid ah u cayinto/siiso Somaliland, laakiin waxaa ku xidhan shardi ah in marka hore heshiis adag oo siyaasi ah la gaadho (Soomaaliya iyo Somaliland).”

Indian Ocean, waxay sheegtay in wada hadaladan uu Wasiirka maaliyadda Somaliland la yeeshay madaxda dawladda Soomaaliya aanu ku wargelin Madaxweynihiisa Muuse Biixi Cabdi. “Wada xaajoodka uu galay Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu su’aal gelinayaa rabitaanka Hargeysa ee ah in ay ka madaxbannaanaato Muqdisho.” Ayay tidhi Indian Ocean warbixinta ay qortay.

Jawaabta Wasiir Yuusuf

Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xalay fiidkii khadka telefoonka kula xidhiidhay Wasiirka maaliyadda Somaliland si uu dhinaciisa wax uga weydiiyo warkan,waxaanu warkan ku tilmaamay mid been ah, “Warkaasi waa mid la sameeyay oo been ah, waxbana kama jiraan, suurtogalna maaha inuu wada hadal na dhex maro Soomaaliya, waayo anigu waxaan ku shaqeeyaa siyaasadda madaxweynaha oo ah inay Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo kala duwan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka maaliaydda Somaliland oo intaas raaciyay, “Markaas warkaasi waa been aanay waxba ka jirin.”