Xukuumada Somaliland Maxay Kaga Jawaabtay Diyaaridihii Duqeeyey Deegaanka Ka Tirsan Gabiley?

Hargeysa(GNN):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay diyaarado la sheegay inay waxyaabo qarxaya ku tureen deegaan ka tirsan degmada Gabiley.

Wasiirka warfaafinta iyo wasiirul dawlaha amniga oo socdaal ku tagay goobta ay diyaaraduhu duqeeyaan ayaa soo bandhigay qorshaha uga yaala xukuumada, iyaga oo tilmaamay in baadhis lagu wado waxyaabihii ay diyaaradahaasi soo tureen.

Ugu horayn wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in baadhis lagu samayn doono wixii ay diyaaraduhu ka tageen waxaanu yidhi “Waxaanu maanta halkan u nimid kormeeer ay dawladu kaga fal celinayso qaylo dhaanta ka timid gobolka Gabiley, dhacdadii ahayd in diyaarado helicopter ah

oo dalka soo galay dabadeedna riday wax qaraxyo ah,  runtiina ilaa hada sida warkaba lagu maqlay wax geeri ah  ama dhibaato la taaban karo oo diyaaradahaasi gaysteen ma hayno dadka deegaankuna namay tusin, hase yeeshee qaraxyadii ka dhacay waynu haynaa, xarunta booliska ee gabileyna way yaalaan, hase yeeshee waxaasi saamaynta ay gobolka ku yeelan karaan iyo waxa loogu tala galay ma sheegi karno hada”

Wasiir Guribarwaaqo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “laakiin baadhitaan ayaa lagu samaynayaa fal celintana waa laydin soo gaadhsiin doonaa waxaasi haday yihiin wax mudo dheer ay qaadanayso inay waxyeelayso deegaanka iyo in kale.”

Wasiirul dawlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inay wadaan baadhis waxaanu yidhi “Xogta aanu halkan ka helnay waanu la noqon doonaa baadhisteedana waa la heli doonaa,waxaynu u baahanahay in waxyaabaha sidan oo kale u dhaca ee waaqica ah ee jira in la ogaado, dadkeenuna qaylo dhaanta badan hayska daayaan, wixii rasmi ah ee la arkana waa in warbixin la soo siiyo masuuliyiinta dalka.”

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska somaliland ayaa soo bandhigay waxyaabihii ay la kulmeen waxaanu yidhi “Wixii meeshan ka dhacay markii aanu eegnay horta wax way ka dhaceen dadkuna wuu argagaxsan yahay calaamaadna waanu aragnay, waxaanay u baahan yihiin in dib shaybaadhka loo mariyo laakiin waanu haynaa waxa ay tahay wixii meeshan ka dhacay.”