Ciyaaryahan Magaciisa Uu Argagax Geliyay Shaqaale Diyaaradeed + [ Sababta ]

London (GNN):- Nin ciyaaryahan ah ayaa naanaystiisa waxa ay argagax ku abuurtay shaqaalaha diyaarad uu ku safrayay ka dib markii mid ka mid ah gabdhaha ka shaqeynayay diyaaraddaasi ay maqashay qof ka mid ah dadka rakaabka ah oo ninkaasi ugu yeerayo magac cabsi geliyay.

Eoin Liston oo lagu naanayso “Bomber” oo micnaheedu yahay “qarxiye” ayaa waxaa ka shakiyay gabadhaasi shaqaalaha ka ah diyaaradda oo uga shakisay in uu yahay qof diyaaradda qarxin rabo.

Magacan Bomber ayaa u baxay ciyaaryahankan ka dib markii uu kooxda Kerry ka caawiyay in ay saddex gool ku garaacdo kooxda Dublin sanadkii 1978.

Magacaasi ayaa tan iyo xilligaasi noqday mid uu caan ku yahay oo dad badani u yaqaaniin.

GABILEY.NET