Diyaarad Helicopter Ah Oo Ku Dhacday Dalka Shiinaha Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Diyaarad nooca Helicopter-ta loo yaqaano ah oo laga lee yahay dalka Shiinaha ayaa ku dhacday dalkaasi  Goboladdiisa Koonfur Galbeed ee Sichuan.

Diyaaraddan ayay ku dhaawacmeen laba qof oo ah bayloodadii waday, sida ay sheegeen ciidamada Booliska ee degaankaasi , waxaanay diyaaraddani ku dhacday degaan loo dalxiis tago oo gobolkaasi ku yaala, kaas oo u dhow buuraha lagu magacaabo Emei oo gobolkaasi Sichuan ku yaala.

Ciidamada Booliska ayaa baadhaaya dhawacyadan iyo wixii sababay , iyaga oo sheegay in ay war faah faahsan kazoo saari doonaan baadhitaanka ka dib.