Golaha Wakiiladda Oo Go’aan Ka Gaadhay Gudida Dhawrista Tayadda Somaliland

Hargeysa (GNN):- Fadhigii Maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa lagu ansixiyay gudida dhawrista tayada somaliland oo dhawaan madaxwayne muuse biixi soo magacaabay.

Gudidan Oo Ka Kooban afar xubnood ayaa xogahaya golaha wakiilada cabdirisaaq siciid ayaanle ayaa golaha u sharaxay waxbarashadooda heerka ay gaadhsiisan tahay iyo waliba waayo aragnimadda ay u leeyihiin ay qabtaan Haay’adda dhawrista.

1:-Guddoomiyaha Haay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland Muuse Xasan Yuusuf Waxa Ansixiyay 45 mudane Waxa,cid Diiday majirto waxaana ka Aamusay Saddex Mudane.

2:-Faysal maxamuud siciid waxa Ansixiyay 48 xildhibaan cidna may diidin Laba Xildhibaana way ka Aamuseen guddoomiyahuna muu codayn.sidaasna wuu ku Ansaxay

3:-Cali Sheekh Maxamuud Aw Cabdi Waxa Ansixiyay 48 Xildhibaan cidi may diidin waxaana ka Aamusay laba xildhibaan guddoomiyahuna muu codayn.sidaasna wuu ku Ansaxay

4:-Xasan Maxamuud Maxamed  Waxa Ansixiyay 49 xildhibaan cidi may diidin waxaana ka aamusay hal xildhibaan. guddoomiyahuna muu codayn.sidaasna wuu ku Ansaxay