Jigjiga: Wiil iyo hooyadii kala maqnaa dhowr iyo toban sanadood oo dib u midoobay

Magaalada Jigjiga, wiil iyo hooyadii kala maqnaa muddo dhowr iyo toban sanadood ah ayaa dib ugu midoobay magaaladaasi.

Cabdulqaadir Suldaan Maxamed ayey u suuragashay inuu la kulmo hooyadii Cubeedo Maxamed Cabdisalaam kaddib markii shalay magaaladaasi laga soo dajiyay ku dhawaad 300 oo askari oo ka tirsanaa ciidammada ururka ONLF kuwaas oo ka soo guryo noqday dalka Eritrea.

Cabdulqaadir ayaa waxaa xabsiga u taxaabay maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya halkaas oo uu muddo ku jiray xabsiga Jigjiga, ka hor inta uusan duurka gelin.

Muddo ayaa la kala furfuri waayay Cabdulqaadir iyo hooyadii oo ay ilmadu ka qulqulaysay farxad awgeed.

Markaa kaddib ayaa waxaa u suuragashay weriyahayaga Jigjiga, Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam wareysigan uu wadajirka ula yeeshay, hadalka Cabdulqaadir ayaa ku hormaraya: