Talyaaniga Oo Diiday Dalab Midowga Yurub Uga Yimid +Sababta

Italy (GNN):- Dawladda Talyaaniga ayaa diiday dalab uga yimid guddiga Yurub ee magaciisa loo soo gaabiyo EC, waxayna ku adkaysatay in ay ku taagnaanayso qorshe miisaaniyadeedkeeda.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa sheegay in aan isbadal lagu samaynaynin qorshaha kharash dhimidda 2.4% iyo midka koritaanka ee ee ah 1.5%.

Guddiga Yurub ee EC ayaa ka walaacsan kharashka badan ee Talyaanigu adeegsanayo iyadoo daymo badan lagu leeyahay Talyaaniga, waxayna Talyaaniga ugu baaqeen in ay dib u eegto miisaaniyadeeda ama ay macquul tahay in ay ganaax wajahdo.

Talaadada ayay u qabteen wakhtiga kama dambaysta ah si xukuumadda Talyaanigu ay kaga jawaabayso diidmadooda.

EC ayaa ka Talyaaniga uga digaysa in dalalka Midawga Yurub aysan uga fadhiyin tallaabo noocaas ah, Talyaaniga ayaa ah dalka saddexaad ee ugu dhaqaale badan dalalka Midawga Yurub ku jira.

GABILEY.NET