Uhuru Kenyatta: “ Somaliya Jaadka Ha Naga Qaadato Annaguna Kalluunka Noo Keena..”

Nairobi (GNN):- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii maanta soo gabogaboobay ee Dhaqaalaha Biyaha waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yiri hadal kaftan-ah.

Sida ka muuqata muuqaal ay faafisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga ayaa madaxweynaha u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yidhi “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada”.

Qaadka ayaa ah 90% badeecooyinka ay u dhoofiso Soomaaliua, sannadkii horena waxaa kasoo galay lacag dhan Sh8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah.

GABILEY.NET