Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Oo Baaq Deg Deg Ah Soo Saarey Iyo Dalka Uu Ku Socdo

New York (GNN):-  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxa uu ku baaqay in la soo afjaro qulqulatooyinka ka soconaya dalka Yemen, iyo weliba in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada ka soconaya agagaarka goobaha muhiimka ah iyo weliba meelaha ay dadka badan ku nool yihiin.

Mr. Guterres ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku diriraya dalka Yemen inay si niyad wanaag ah oo aanay shuruudi ku xirnayn u bilaabaan wadahadal.

Xoghaye Guterres ayaa xilka u hayo waxaa uu u isticmaalay inuu kusii adkeeyo digniinaha Qaramada Midoobay ay ka soo saartay colaadda Yemen.

Waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadminimo ee dalkaasi ay aheyd mid quus ah ayna suuragal tahay inay isu bedesho macluushii ugu xumeyd ee la rko muddo tobannaan sano ah hadaanan si degdeg ah wax looga qaban.

Carruurta Yemen ayaa gaajo iyo cuduro u dhimanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in kala bar dadka dalkaasi ku nool ay halis soo wajahayso bilooyinka soo socda.

GABILEY.NET