Amiirka Qatar Oo Jawaab Ka Bixiyey Martiqaad Uu U Fidiyey Boqorka Sucuudigu .

Qatar (GNN):- Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa ka qeyb geli doonin shir Madaxeedka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) oo maanta ka furmaya magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Sarkaal ka tirsan Qatar oo aan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Anadolu in Amiirka Qatar aanu ka qeyb geli doonin shirka 39aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Mas’uuliyiin heer Wasiiro ah ayaa la sheegay inay shirka ka qeyb galayaan, taasoo dhabar jab ku ah casuumaadii uu Boqorka Sacuudiga u soo diray Amiirka Qatar.

Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa sanadkii hore xidhiidhka  u jaray dalka Qatar, waxaana ay ka go’doomiyeen Hawada, Badda iyo Dhulka, iyagoo ku eedeynaya inay taageerto Argagixisada, hase ahaatee Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahaas.

Golaha Iskaashiga Khaliijka oo la aas aasay sanadkii 1981 ayaa waxaa ku mideysan lix dal sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Cumaan, Baxreyn iyo Qatar, waxaana sanad walba ay yeeshaan shir madaxeed

GABILEY.NET